Sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo noqday afhayeenka dowlada Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Wasaarada Warfaafinta Kenya ayaa u magacowday Cyrus Oguna afhayeenka dowladda isaga oo bedelaya Eric Kiraithe.

Joe Mucheru, wasiirka wacyigelinta bulshadda ayaa sheegay in isbedelkaan uu daaran yahay dib u dhis qaab dhismeedka war-fidiyeenka.

Hadaba waxaa qof noocee ah Cyrus Oguna?

Kahor inta aan loo magacaabin jagadaan, waxa uu ahaa afhayeenka Mashruuca Qorsheynta Mabaadi'da Qaranka iyo Khayraadka.

Intii u dhaxeysay 2014-kii iyo 2017-kii, waxa uu ahaa lataliye dhanka Gaashaandhiga iyo wakiilka 

Howlgalka Kenya ee wadanka Tanzania.

Oguna ayaa aad loogu bartay jago uu ka hayey ciidamada difaaca Kenya oo uu ka ahaa Afhayeenka arrimaha bulshada gaar ahaan howlgalka Linda Nchi, xilkaasi oo uu hayey intii u dhaxeysay 2011-2013.

Si fiican waxaa loo bartay sanadkii 2011-kii, waqtigaasi oo ciidamada difaaca Kenya ay iyaga oo aan ogolaanshiyo haysan ay soo galeen Soomaaliya.

Xoogaga Kenya ayaa u soo galay Soomaaliya si ay u ciribtiraan maleyshiyaadka Al-Shabaab oo weerar dhimasho badan dhaliyey ka fuliyey dalkaasi.

Iyadda oo uu dagaalka socdo, Oguna oo xiliyadii hore uu qarsanaa wajigiisa waxa uu noqday mid furan xitaa xiliyada goobaha dagaalka
si joogto ah ayuu u soo saari jiray bayaano uu ku sheegayo in ciidamada Kenya ay horumar ka sameynayaan howlgalkooda.

Balse waxa uu soo shaac-baxay markii ay ciidanka Kenya si rasmi ah ugu biireen AMISOM, isaga oo kasoo baxay daaha gadaashiisa.

Kadib markii la sameeyay isbedelo waawayn, Oguna ayaa sheegay in uu dib ugu laabto ciidamada, uuna bilaabay shaqadiisa afhayeenka howlgalada.

Oguna oo leh waayo aragnimo dhanka ciidamada ayaa horey ugu soo shaqeeyay xafiisyada maamulka ciidamada, howlgalada, tababarada, warfaafinta ciidamada Kenya iyo afhayeenka dowlada oo uu haatan noqday.

Kahor jagadaan cusub, Oguna ayaa madax ka ahaa Dugsiga Tababarka Ciidamada Sirdoonka wadanka Kenya.

Jamaacada Nairobi ayuu ka qaatay Master of Arts. Haatan waxa uu ku guda jiraa diyaarinta Master-ka labaad oo uu ka diyaarinayo Daraasaadka Caalamiga ah.

Isagu waxa uu ka qalin jabiyey Kulliyadda Difaaca Qaranka Kenya. Intii uu ku guda jira waxbarashada waxa uu ku guuleystay bilado dhowr ah.

Sikastaba ha ahaatee, afhayeenka cusub ee dowladda Kenya, Oguna oo guursada ayaa waxa uu haystaa laba caruur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Madaxweyne Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 04:09PM

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM