Senator reer Nigeria ah: Soomaaliya waa mid, Guinea way khaldan tahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Senator ka tirsan Aqalka Sare ee waddanka Nigeria ayaa ka fal-celiyey go'aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya cilaaqaadka diblumaasiyadeed ugu goysay Guinea.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa ku eedeyey waddankan dhaca Galbeedka Afrika in uu meel kaga dhacay midnimadda, wadajirka iyo madax banaanida Soomaaliya.

Senator Shehu Sani oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon Senate-ka ee waddanka ugu dadka badan qaaradda ayaa si cad wuxuu u garab-istaagay Soomaaliya, isaga oo dhaliil culus kala dhacay Guinea.

"Waa khalad in Guinea ama dal kale oo Galbeedka Afrika ah uu nooc kasta oo aqoonsi ah uu siiyo Somaliland ama qeyb kamid ah Soomaaliya oo gooni u goosad ah," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Talaabada ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartey Gini ayaa ka dambeysay markii dalkaasi uu socdaal rasmi ah uu ku tegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo si heer ah loosoo dhaweeyay.

"Waxaa jirta hal Soomaaliya," ayuu daba dhigay hadalkiisa, isaga oo raaciyey "Kaasi waa mowqifkeena, mana isbedeli doono".

Mudanaha oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray: "Isbedelada Soomaaliya waxa ay leeyihiin mar-xalado, waxayna imaan doonan maalin un, taariikhda.

Hadalkan sharcidejiyahaan oo sidoo kale u olaleeya arrimaha dimoqraadiyadda ayaa imaanaya xili wasiir Cawad uu ka dhawaajiyey in ay jiraan waddamo wada olale halis u ah midnimada Soomaaliya.

Nigeria oo xiriir wanaagsan oo dhinacyo kala duwan leh uu kala dhaxeeyaa Soomaaliya ayaa waxay isku mandiqad kawada tirsan yihiin Guinea, taasoo ah Galbeedka Afrika.

Somaliland ayaa sheegata in ay tahay dal madax banaan tan iyo 1991-dii. Balse caalamka wuxuu u arkaa maamul goboleed hoos-yimaada Soomaaliya. Wasiir ayaana mar kale carabka ku adkeeyay arrintaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM