Shabaab oo baraha bulshada "ku faafisey" fursado shaqo been abuur ah

Image

LAMU, Kenya – Odayaasha dhaqanka iyo culimada gobolka Lamu ayaa waxay shaaca ka qaadeen in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay baraha bulshadda Kenya ku faafisay xayeysiiyo shaqo oo been abuur ah.

Nuuradiin Saney, oo kamid ah culimada, ayaa ujeedka laga leeyahay arrintaas ku sifeeyay si loosoo jiito isla markaana lagu duufsado da'yarta.

Shaqooyinka oo noocyo kala duwan ah ayuu tibaaxay in ay yihiin kuwa loo sheegay dhalinyaradda in ay leeyihiin mushahar fiican.

Shabakad "aan laga shakineyn oo aad looga garanayo gudaha Soomaaliya isla markaana soo dhaweeya xubnaha la diiwaan-geliyo" ayay daboolka ka qaadeen in ay wadaan howshaas.

Dhankiisa, Ustaad Axmed Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in bartilmaameedka uu yahay da'yarta Soomaalida ah ee ku nool degaanadda Kiunga iyo Ishakani oo hoostaga gobolka Lamu.

"Badi shaqsiyaadka iyo hay'ddahaas waxay isku qeexayaan in ay hoostagaan Qaramadda Midoobay," ayuu ku nuux-nuuxsaday Cumar.

Dowladda dhexe ee Kenya ayay ka codsadeen in ay la tacaasho shaqo la'aanta si dhalinyaradda aanan looga faa'iideysan dhibaatooyinka ay wajahayaan.

Hadalka xubnahaan ayaa kusoo aadaya xili xukuumadda Nairobi ay dardargelisay siyaasadeed ku wajahan sidii loo yareyn lahaa dhalinta la duufsanayo kadib markii ay kordheen weerarada xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM

Itoobiya: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerarro ka dhan ah Masiixiyiinta gobolka Oromia

Kaniisadda ayaa sheegtay in shan ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen carruur, sida ay goobjoogayaashu u sheegeen BBC-da Af-Amxaarka.

  • Afrika

    27-10-2026

  • 10:45AM