Shaki laga muujinayo in Kenya ay ka qeybaleyso dhageysiga dacwada badda
NAIROBI, Kenya – Qaar kamid ah saxaafadda Kenya ayaa qoreysa in dowladooda ay tahay in aysan ka qeybgelin dhageysiga dacwadda badda ee ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay bilaabeyso bisha soo socota ee September.
Maqaal lagu daabacay wargeyska The Standard ayaa lagu muujiey in Kenya ay qarka u saaran tahay in dacwadaasi ay guuldaro kala kulanto ayna tahay in aysan ka gelin maadaama ay horey doodeeda u caddeysay.
Hadii ay tani dhacdo Kenya ayaa noqoneysa dal aan badda lahayn, waxayna dhiirogelineysaa dowlado kala sida Tanzania oo ay kala dhaxeyso muran dhanka badda ah.
Xukuumadda Nairobi ayaa fadhiyadii horey ee Maxkamadda la tagtay in xeer-beegtada hoostagta Qaramada Midoobay aysan awood u lahayn in ay qaado gal-dacwadeedkan isla markaana ay sharci daro u arkaan.
Doodaha kale ee ay Kenya la tagtay Maxkamada waxaa qeyb ka ahaa in Soomaaliya ay ogoleyd xuduudaha ay haatan dacwada kasoo gudbisay uuna jiro is-faham sanadkii dowladii ku meel gaarka ah.
Balse Soomaaliya oo dacwada gudbisay 2014-kii ayaa doodahaasi ganafka kuu dhufatay waxayna sheegtay in ay iyaddu leedahay biyaha ay Kenya sheeganeyso, taasoo dhalisay ay ku guuleysatay wareegii koowaad ee dacwadda.
Intaasi waxaa wehlisa in Maxkamada Sare ee Kenya loo gudbiyey ku dhowaad 20 dalab oo ku aadan in dowladooda aysan ka qeybgelin dhageysigaasi, iyaga oo qiil ka dhiganaya is-faham iyo taariikho horey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo si cad u sheegtay in Maxkamadda aysan keeni karin xal rasmi ah taasi oo fasiraado kala duwan laga baxshay ayaa ka gaabsatay in ay kala caddeyso hadii ay maxkamada hortagayaan.
"Horey ayaan u sheegtay in ay sharci darro tahay in Maxkamada ay dhageysato dacwadan. Sidaasi darteeda ma keeni karto xal-waara," ayey Monica Juma ka sheegtay kulan ay kaga qeybgashay waddanka Ingiriiska.
Dhanka kale, faalada The Standard ayaa lagu dhaliilay wasaaradda arrimaha dibada Kenya taasi oo ay sheegeen in aysan wali qaadin wax talaabo oo ku aadan cabashada ay ka gudbineyso dowladaha Ingiriiska iyo Norway.
Kenya ayaa ku eedeysay labadaasi dowladood in ay horumarinayaa xiisada badda iyaga oo kaliya eegaya danahooda dhanka ganacsig maadaama shirkado shidaal oo laga leeyahay dalalkaasi ay heshiis kula jiraan Soomaaliya.
Labada dowladood ee deriska ah ayaa isku haysta goob badkeeda lagu sheegay kun kilomitir oo laba jibaar ah, taasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Shidaalka.
GAROWE ONLINE