Shaki laga muujiyey "caafimaadka" Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Monica Juma, ayaa markii ugu horeysay todobaadyo kadib kasoo muuqatay shaashadaha.

Muuqaalka oo ahaa wareysi ay siisay Talafishinka K24 ayaa muujiyey in caafimaadkeeda "uusan ahayn mid aad u wanaagsan".

Bogga Kahawa Tungu, oo warbixin ka qoray sheekadan, ayaa sheegay in Juma uu "hoos u dhacay muuqaalkeeda, codkeeduna hooseeyay".

Warsidaha Garowe Online si madax banaan uma xaqiijin karo wararka sheegaya in Monica Juma "uusan caafimaadkeeda taam ahayn".

Dhinaca kale, qaar kamid ah dadka Kenya oo ka falceliyey muuqaalka Juma ayaa muujiyey kala aragti duwanaan badan oo quseysa dhacdadan.

Qaarkood ayaa su'aal geliyey sababta uu Talafishinka wareysi ula yeelanayo "wasiir xanuunsan," wallow kuwa kale ay diideen eedeyntaas.

Sikastaba, Monica Juma ayaa kamid ah xubnaha ugu muhiimsan wasiiradda madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ay xulafo aad isugu dhow yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM