Shan weerar oo dunida la ilmeysay mid kamid ahna Somalia ka dhacay
COLOMBO, Sri Lanka - Isbuucaan aduunka waxay u ahayd mid murugo ah, sababtoo ah waxaa lagu xasuuqay dalka Sri Lanka in ka badan 290 ruux kadib sideed qarax.
Dadka la beegsaday ayaa ku guda jiray udabaaldegga ciidada Ester-ka ee masiixiyiinta, taasi oo soo bilaabatay Jimcadii kuna ek Talaadada maanta ah.
Dowladda Sri Lanka ayaa ku eedeysay dhacdadaasi koox mitidiin maxali ah, inkasta oo sarkaal Mareykan ah uu shaaciyay in Daacish ay door ku lahayd.
Hadaba Garowe Online, ayaa kusoo gudbinaya shan weerar oo ay dunida sidaan oo kale uga ilmeysay kuwaasi oo mid kamida uu Soomaaliya ka dhacay.
- Weerarkii daaraha mataanaha -
Xili subax ah, September 11, 2001, afar weerar oo abaabulan ayaa lagu beegsaday dhismeyaal ganacsi oo ku yaala magaalada New York ee dalka Mareykanka.
In ka badan 2,996 ayaa lagu dilay xili ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 6,000. Intaasi waxaa wehlisa in uu reebay saameyn caafimaad sida xanuunno dilaacay.
- Xasuuqii xeradda Speicher -
12-kii June 2014-kii, kooxda Daacish ayaa dishay ugu yaraan 1,566 oo maleyshiyaad Shiico ah kana mid ahaa ciidanka cirka ee dalka Ciraaq.
Dhacdadaasi ayaa ka dambeysay markii la weeraray saldhig ay ku sugnaayeen oo wadar ahaan askarta joogtay ay gaarayeen 11,000 oo aan hubeysneen.
- Mahadhadii booliska Sri Lanka -
Ku dhowaad 774 xoogaga falaagada Tigers of Tamil Eelam ayaa lagu laayey dariga Sri Lanka markii uu ku duulay Booliska.
Xasuuqaasi oo dhacay 1990 ayaa qayb ka ahaa colaado iyo dagaal sokeeye oo soo idlaaday sanadkii 2009-kii markii la jebiyay maleyshiyaadka.
- Qaraxii Soobe ee Muqdisho -
Galab, 14 October 2017, gaari xamuul ah oo walxaha qarxa lagu soo raray ayaa ku qarxay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya.
Ugu yaraan 587 oo badankooda ahaa dad aan waxba galabsan ayaa ku naf-weysay dhacdadaasi oo ay dowladdu ku eedeysay in ay ka dameysay Al-Shabaab.
Weerarkaasi ayaa ahaa midkii ugu geerida badnaa taariikhda casriga ah ee argagixiso ka fuliso Soomaaliya, qaarada Afrika iyo dunida inteeda kale.
- Qaraxii gaari ee ugu dhimashada badnaa Ciraaq -
Inta la xaqiijiyay 500 ruux ayaa ku dhimatay afar qarax gaari oo isku-dabaridan ay ka dhaceen magaalooyinka Til Eze, Siba Sheikh Khidir iyo al-Jazirah ee dalka Ciraaq.
Illaa iyo haatan ma cadda kooxda fulisay howlgalkaasi oo ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhashay qarax gaari kaasi oo ka dhaca dalkaasi Carbeed.
GAROWE ONLINE