Shaqaale la socday markab siday macdan qaali ah oo la qafaashay

Image

PORTO-NOVO, Benin – Shirkad maraakiib oo reer Norway ah ayaa shaacisay in sagaal kamid ah shaqaalaheeda laga qafaashay mid kamid ah maraakiibteeda ka howlgaleysa xeebaha dalka Benin ee Galbeedka Afrika.

J.J. Ugland ayaa sheegtay in markabkeeda xamuulka, the Bonita, ay shufta badeed ku weerareen meel 15 KM u jirta xeebta.

Jinsiyadaha howladeenada lasoo bandhigin, balse, waxay shirkaddu leedahay in shaqaalaha kale ay ku sugan yihiin dekadda Cotonou ee isla waddankaas isla markaana xaaladoodu wanaagsan tahay.

Marka xamuulka ee la weeraray ayaa Benin u siday macdan loogu talagalay bacraminta dhirta, sidda ay shirkadu tiri.

Iyadda oo burcad badeeda aduunka hoos uga dhacay, gacanka Guinea, Galbkeed Afrika, waxaa wali ka jira dhacdooyinkaas.

Kooxda afduubadashada geysanayaa caadiyadan shuruud uga dhigay sii deynta laheysteyaasha bixinta madax furasho.

Bilooyinkii u dambeeyay fal-dambiyeedyo la xiriira qafaasho ayaa laga soo wariyay gobolka. Sideed badmaaxiye oo reer Germany iyo tobban kale oo u dhashay Turkiga ayaa August iyo July la xorriyadda laga qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM