Shaqaalo helay boorso ay ku jirtay $19K oo fal dhif ah sameeyay

Image
Lacagtan waxaa iska lahaa dalxiise kaasoo kadib talaabadda howlwadeenada fariin soo diray.

NAIROBI, Kenya - Labo ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Kenya iyo sarkaal booliis ah ayaa la ammaanay kadib markii ay dib ugu celiyeen dalxiise British ah boorso ay ku jirtay ilaa $19,000 (£17,000) iyo alaabo kale oo qaali ah.

Benson Nickolson waxa uu ka mid ahaa koox dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagayay aagga Maasai Mara Game Reserve markii uu ku waayay boorsada garoonka Wilson ee caasimada Nairobi.

Shaqaalaha garoonka iyo haweeneyda booliiska ka tirsan ayaa helay boorsada iyagoo ka baaray waxyaabaha qarxa ka hor inta aan lala xiriirin qofkii iska lahaa.

“Dhammaan lacagtaas oo gaareysay ilaa $19,000, kaararkeyga oo dhan waa la helay, dhamaan agabkii kale ee qaaliga ahaa oo ay ka mid aheyd qalab ay ka tagtey ayeeyadayda geeriyootay ayaa sidoo kale dib u helay, waxayna ii aheyd riyo maalmeed," ayuu Mr Nickolson ku yiri email mahadnaq ah oo uu u diray Booliska Kenya.

Nickolson oo sharaxaad ka bixinaya lacagta cadaanka ah ee uu watay ayaa waxa uu sheegay in uu sitay lacagta la taaban karo si uu ugu fududeeyo dhaqdhaqaaqa kooxdiisa iyo inta ay ku guda dalxiiska.

Kormeeraha ammaanka ee garoonka diyaaradaha Wilson, Joseph Kabangi, ayaa u sheegay Citizen TV in "daacadnimadda ay tahay qiimiga asaasiga ah" ee shaqaalaha garoonka.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa dhif iyo naadir ka ah wadamadda qaar. Balse, talaabada ay qaadeen howlwadeenadan iyo muwaadiniinta u dhashay Kenya waxay sarre u qaadi kartaa sumcadda iyo kalsoonida ay dalxiiseyaasha ku qabi karaan dalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM

Ibraahim Traore: "Iska Hilmaama Dimuqraadiyadda, Way Na Laynaysaa"

Hadalka Traore ayaa ku soo beegmaya xilli ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch uu soo saaray warbixin naxdin leh.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 08:19AM