Shaqsiyaad DF u gacan-gelisay Kenya oo maxkamad lasoo taagay

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa dacwad la xiriirta argagixisinimo kusoo oogtay Idris Opwora Wesonga iyo Joseph Juma Odhiambo.

Eedeysaneyaasha ayaa bishii October 2019 waxaa degaanadda Jubooyinka ka qabtay ciidamadda Soomaaliya kuna wareejiyey Kenya.

Wesonga iyo Odhiambo ayaa lagu eedeeyay in ay Soomaaliya u safreen iyaga oo aan ku wargelin dowladda Kenya ayna ku biiri rabeen Al-Shabaab.

Baareyaasha ayaa sheegay in ay kusii jeedeen Baydhabo, caasimada ku meel gaarka Koonfur Galbeed, si ay xubin uga noqdaan ururkaas.

Saraakiisha booliska ayaa xusay in shaqsiyaadkan ay todobaad si dhuumaaleysi ah ku joogeen Mandheera kadibna u gudbeen Soomaaliya.

Dacwad-oogeyaasha ayaa horgeeyay fadhiga maxkamadda caddeymo ay kamid yihiin in ay wateen Baasabooro been abuur ah.

Markii fursad loo siiyey in ay hadlaan intii ay socotay dhageysiga kiiskooda, Wesonga iyo Odhiambo ayaa iska fogeeyay eedaha loo jeediyey.

Ugu dambeyntii, garsooreyaasha maxkamadda ayaa go'aamiyey in gal-dacwadeedka xubnahaan ay xukun ku ridi doonan 10-ka January, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM