Shirkad laga leeyahay Qadar oo shidaal u soo saareysa Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Shirkadda Shidaalka ee Qadar ayaa heshiis shidaal looga soo saarayo saddex xirmo waxay la gashay dowladda Kenya, sidda ay shirkaddaasi ku shaacisay war-saxaafadeed.

Xirmooyinkaasi oo la sheegay in ay ku jiraan shidaalka Basiinka ayaa waxay ku yaaliin is-maamulka xeebta ah ee Lamu, kaasi oo dhaca bariga waddanka ku yaala Geeska qaaradda Afrika.

Shirkadda Eni ayaa ka howlgaleysa xirmooyinka, sidda ku xusan bayaanka, oo lagu sheegay in Qatar Petroleum ay ku leedahay saami dhan 33.75%, Eni ay heli doonto 41.25%, halka qeybta kale ay leedahay dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu caddeeyay in baarlamaanka waddanka Kenya uu meel-mariyey heshiiska lala galay shirkadaasi.

Wasiirka Tamarta Qadar, Saad bin Sherida al-Kaabi, ayaa carabka ku adkeeyay in ay sare u qaadayan cilaaqaadka kala dhaxeeya xukuumadda Nairobi.

"Tani waxay xoojineysaa joogitaankeena qaaradda Afrika," ayuu raaciyey Saad bin Sherida al-Kaabi oo sidoo kale Madaxa Fulinta ee Qatar Petroleum.

Goobta shidaalka Basiinka laga soo saarayo ayaa waxaa badkeeda lagu sheegay 15 KM oo isku wareeg ah.

Heshiiskan ayaa imaanayaa iyadda oo Soomaaliya iyo Kenya ay dhextaalo dacwad dhanka badda ah, taasi oo ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka bisha September ay dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskaasi.

Dowladahan deriska ah ayaa isku haya xuduud dhul-badeed badkeeda lagu sheegay 169-KM oo isku wareeg ah, goobtaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiiciga ah, sida shidaalka iyo Gaaska naqaska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM