Shirkadaha Shidaal baarista oo shaqaalahooda kala baxay DDSI

Image

JIGJIGA, Ethiopia - Shirkadaha ajnabiga ee shidaal-baarista kawadey dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaqaalahooda kala soo baxay halkaasi kadib markii uu halkaasi ka qarxay rabshado.

Deganaanshe la'aanta siyaasadda iyo amniga, ayaa ku qasabay Shirkadahan oo u badan kuwa laga leeyahay Shiinaha inay gebi ahaanba kasoo baxaan DDSI, sida uu qorey Wargeyska The Reporter.

Shirkadaha waxaa kamid ah Poly GCL Petroleum Investments, oo laga leeyahay Shiinaha taasoo maalmihii lasoo dhaafay shaqaalaheeda u daabushay dhanka Addis Ababa, ee xarunta Itoobiya.

Injineerada Shirkaddan ay howlo shidaal baaris ah ka wadeen Hilala, Calub iyo Warder, waxaana markiii rabshadaha iyo qalalaasaha ka qarxeen DDSI, gaar ahaan Jigjiga soo wajahday cabsi dhanka amniga ah.

Waxaa si KMG ah loo geeyay Addis Ababa, iyadoo ay qiimeyn ku sameynayaan xaaladda amni, oo hadii ay soo aa hagaagto la filayo inay dib ay ugu laabtaan goobahii ay shidaal-baarista ka wadeen.

In ka badan 50 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyo iyo rabashado ka dhacay Jigjiga, Dhagax-buur iyo degaanno kale oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, bishii lasoo dhaafay ee July.

Goobo ganacsi, xarumo dowladeed iyo Kaniisado ayaa dhac loo geystay xilligii ay rabashadaha socdeen, oo Ciidamada Federaalka ay la wareegeen Jigjiga, taasoo ka dambeysay khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweynihii DDSI, cabdi Illey iyo Xukuumadda Abiy Axmed.

Poly GCL ayaa shaqo shidaal baaris ah kawadey DDSI tan iyo 2014. Shirkaddan ayaa ceelal ka shidaal ah ka heshay Calub, Hilala iyo Dohar, halkaasoo kamid ah meelaha ay halista amni ku hayso jabhada ONLF.

Shirkad kale oo isla Shiinaha laga leeyahay, oo lagu magacaabo BGP Geo-services taasoo qandaraas siisay Poly-GCL ayaa lagu soo waramayaa inay dhamaan shaqaalaheeda usoo qaadey Addis Ababa.

Illo-wareedyo ayaa u sheegay The Reporter in ciidamada difaaca dowladda Itoobiya ay adkeeyeen amaanka goobaha shidaal baarista ka socoto, waxaana tallaabada ay qaadeen shirkadaha lagu tilmaamay mid ka baaraan-degid ah.

Goobaha shidaal qodista laga sameynayo ayaa la sheegay inay aad uga fog tahay magaalada Jigjiga, halkaasoo xaalad aan caga-badan ku taagnayn ay ka jirto tan iyo todobaadkii tagey.

Poly GCL Petroleum Investments ayaa qorsheynaysa inay horumariso Ceelasha shidaalka laga soo saarayo ee Calub iyo Hilala, halkaasoo ay shidaal ka heshay shirkad kale oo laga leeyahay Mareykanka oo lagu magacaabo Tenneco sanadkii 1972.

Shirkadda Shiinaha ayaa waxay ku guda jirtay howlo ay ku hirgelinayso dhuun qaada shidaalka laga soo saaro DDSI, taasoo geynaysa deked ku taalla dalka Jabuuti iyo warshad shidaalka sifeysa oo ku kacaya lacag gaaraysa 4 billion oo dollar.

Shaqada dhisamaha dhuunta shidaalka ayaa waxay billaabanaysaa September 2018, sida uu Waregyska The Reporter sheegay, isagoo soo xiganaya illo-wareedyo uusan magacooda sheegin.

"Shaqada ma billaaban karta illaa amaanka wax laga qabanayo oo nabada iyoo xasiloonida DDSI kasoo laabanayso," ayay sheegeen illaha wararka uu ka helay Warageyskan fadhigiisu yahay Addis Ababa.

Si kastaba, wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya ama DDSI oo ku saabsan warbixintan uu qoray The Reporter, oo kusoo beegmaysa xilli ONLF shaacisay maanta xabad-joojin hal dhinac ah oo ka hargelaysa deganaada ay Jabhadan ka dagaalanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM