Itoobiya oo fashilisay weerar, mas'uuliyiina u xirtay musuq

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xeer-ilaaliyaha Guud ee Itoobiya ayaa shaaciyay in Booliska ay soo qabqabteen shaqsiyaad qorsheynayay weerar agagixiso.

Berhanu Tsegaye oo aanan magac-dhabin koox gaar ah ayaa markii la waydiiyay in uu carabaabo ayuu daaha ka rogay.

"Shaqsiyaadka aan qabanay ee qorsheynayay weeraro agagixiso ayaa qaarkood xiriir la leh urur caalami ah oo gobolka ka jira," ayuu yiri.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in kooxda weerarada abaabuleysay ay tahay Al-Shabaabka ka dagaalanta Soomaaliya.

"Dadka waxaa lagu qabtay howlgalo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka Booliska iyo kuwa sirdoonka," ayuu hadalkiisu ku daray.

Geesta kale, dacwad oogaha guud ee Itoobiya ayaa intaasi ku daray in ku dhowaad 60 ruux loosoo qabtay tuhun ku saabsan musuq-maasuq.

Xeer-ilaaliyaha ayaa dabolka ka qaaday in tuhmanayaasha ay ku jiraan shaqaalo kamida hay’addaha dowlada, mas'uuliyiin iyo maal-gashato.

"Waxa is-dabamariyeen fulinta mashruucyo iyo nidaamkooda," ayuu xusay, isaga oo ku daray "Baaritaanka wuxuu socday saddex bilood."

Dadka lasoo xiray ayaa ka dambeysay markii la waayay 23.7 milyan oo birta Itoobiya ah oo loogu talogalay in lagu soo iibiyo 400 mitir oo qamadi ah.

Xubnaha laga soo xiray hay’adda Iskaashiga Dhismaha Shaqada Biyaha ayaa looga shakisan yahay in ay ku tagrifaleen mashruuc ay ku baxeyso 55 milyan oo bir.

Sikastaba, mas'uuliyiintaan ayaa lagu wadaa in ay maxkamad lasoo taago, isla markaana lagu waado eedaymaha loosoo jeediyo, talaabo qayb ka ah la dagalaanka musuq-maasuqa oo uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed balanqaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM