Sidda warbaahinta Kenya uga warantay dagaalkii Beledxaawo

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Warbaahinta Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay iska hor-imaadkii maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Jubaland.

Dagaalkan ayaa laga soo wariyey laba qaybood oo ka mid ah magaaladda, una dhow sohdinta dowladaha Soomaaliya iyo Kenya si gaar ah nawaaxiga degmada Mandhera.

Illaa iyo haatan, ma cadda khasaaraha labadda dhinac. Mana jiro wax war ah oo ay darafyadda kasoo saareen illaa iyo haatan.

Telefishinka ku hadla afka maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa baahiyey in ciidamada Jubaland ay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen "askarta laga keenay" Muqdisho, caasimada waddanka.

Beledxaawo, oo la xusay in uu ku sugnaa Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, waxaa muddooyinkii u dambeeyay isku hor-fadhiyey ciidamo kala taabacsan Villa Soomaaliya iyo mas'uulkaas.

Xukuumadda federaalka ayaa warisay in Janan uu "baxsad yahay". Balse, wasiirka wuxuu ku qeexay eedeymaha kuwa aan sal lahayn.

Daily Nation

Jaraa'idka oo qormada uu ka diyaariyey dhacdadaan ciwaan kaga dhigay "iska-hor-imaad ka dhacay agagaarka Mandera xili ciidamo ay isku dirirayaan wasiir baxsad ah" ayaa baahiyey geerida saddex qof.

Joornaalka ayaa intaas raaciyey in booliska ku sugan Mandhera ay qaabileen askar ka tirsan Jubaland kadib dagaalka oo ku bilowday qarax.

Wargeyska ayaa xusay in mas'uuliyiinta caafimaadka ay heegan ku jiraan, wallow uu xusay in aysan wali soo gaarin wax dhaawacyo ah.

Janan, oo la wariyey in uu guri ka kireystay Mandera tan iyo 30-ka bishii Janaayo ee sanadkan 2020-ka, ayaa waxaanan la hubin hadii uu ku sugan yahay hoygiisa ama in loo wareejiyo saldhig ciidan.

The Star

Warbixinta uu wargeyskaan ayaa tibaaxdey in isku dhaca uu saameeyay qaybo kamid ah magaalada Mandhera, isla markaana dadka degaanka oo cabsi ay lasoo dareystay ay bilaabeen in ay barakacaan.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaaladda ayuu caddeeyay in uu hakad ku yimid, wallow la filayo in ay xaalada caadi kusoo noqoto.

Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayuu shaaciyey in ay beegsadeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ay leeyihiin.

Ugu dambeyntii, wuxuu tilmaamay in dagaalkaan uu kusoo aadayo iyaddoo shalay ay Kenya xirtay Xildhibaano la sheegay in ay safar qarsoodi ah ku tageen Muqdisho lana kulmeen madaxweyne Maxamed Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM