Sidee Abiy Axmed loogu soo dhaweeyay Eritrea?

Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia, Abiy Axmed ayaa maanta oo Axad ah booqasho taariikhi ah oo aan horey loo shaacin ku tagey wadanka Eritrea, oo cadaawad soo jireen ah kala dhaxeysa dalkiisa.

Abih Axmed waxaa Garoonka Sparse Airport ee caasimadda Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea, Asaisa Afwerki, oo muuqaallo laga soo qaadey muujinay iyagoo is-gacan qaadaya, laabta is gelinaya, sidoo kalena u gacan haatinaya shacab calamada labada dalka wata oo safaf ku jira.

Madaxweyne Asaisa Afwerki ayaa waji furan iyo dhoola-caddeyn oo looga baran markii fagaariyaasha ka hadlayo ayaa lagu arkay maanta markii uu soo dhaweynayay wafdiga Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Calanka Eithiopia ayaa lagu arkayay wadooyinka iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Asmara, iyadoo dowladda Eritrea iyo shacabkeeda ay si weyn ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Abiy Axmed, oo ah hogaamiyaha Isbedel doonka Eithiopia.

Eithiopia iyo Eritrea ayaa waxaa ka dhaxeeya cadaawad xooggan, oo salka ku haysa muran dhanka xuduuda ah, oo dhalisay dagaal dhiig badan ku daatey oo labada dhex maratay 1998-2000, taasi oo ay ku naf waayeen in ka badan 70,000 oo qof.

Ujeedka booqashada Abiy Axmed ee Eritrea ayaa salka ku haysa sidii uu usoo afkari lahaa colaadda labada wadan, islamarkaana nabad iyo xasilooni loogu soo celin lahaa gobolka, si shacabka ay u helaan horumar iyo isdhexgal dhinac ganacsiga ah.

Abiy Axmed ayaa jebiyay ismariwaagii labada dal u dhaxeeyay July 5, isagoo ogoladey dhaqan-gelinta heshiiskii dhanka nabada ee 2000 kaasi oo dhigayo in dhulka ay haysato Eithiopia ee ku yaalla xadka ay dib ugu celiso Eritrea.

Madaxweyne Isaisa Afwerki ayaa soo dhaweeyay isbedelka ka socda Eithiopia ee uu wado Abiy Axmed, waxaana dhawaan uuu wafdi uu heerkiisu sareeyo u diray Addisa Ababa, kaasi oo bog cusub u furay xiriirka labada wadan.

Wadahadallada ay yeelanayaan Abiy Axmed iyo Asaisa Afwerki ayaa diirada lagu saarayaa soo celinta cilaaqaadka Eithiopia iyo Eritrea iyo isku celinta dhulka ay kala qabsadeen intiii uu socda dagaalkii sanada sano qaatey [1998-2000] iyo inay isku furaan xuduuda.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay April 2018, Abiy Axmed ayaa sameeyay isbedello waaweyn, oo ay kamid yihiin sii deynta kumanaan maxaabiis ah, qaadista xaaladii deg dega ahayd ee saarnayd Eithiopia, inuu liiska argagaxisada ka saarey saddex Urur oo ONLF kamid tahay iyo inuu dib usoo celiyay xiriirkii Eritrea.

HOOS KA DAAWO SOO DHAWEYNTA ABIY AXMED:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM