Sidee ayuu u dhintay hoggaamiyihii "Al-Shabaab" ee Mozambique

Image

Ganacsade u dhashay dalka Koonfur Afrika oo loo heystay dacwad ah inuu argagixiso ahaa ayaa ku dhintay xabsi, waxaana looga shakiyay in la sumeeyay, sida gabadhiisa ay u sheegtay BBC.

Andre Hanekom ayaa la xiray bishii August, waxaana lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay koox jihaad-doon ah oo ka dagaalanta waqooyiga dalka Mozambique, xiriirna la leh Al-Shabaab, oo fadhigeedu yahay Somalia.

Gabadhiisa waxay sheegtay in Sabtidii uu ku xanuunsaday xabsi ku yaalla Pemba, waxaa uu dhintay ka hor inta aysan bilaaban dacwadda loo heystay sii loo caddeeyo dambiyada loo haysta.

BBC oo la xiriitay booliska, waxay sheegeen in aanan lagu wargelin geerida Hanekom isla markaasna aysan ka hadli karin.

"Qoyskeyga wuu dhibaateysan yahay, waxaan isku daynay muddoo lix bilood ah in aan caddeyno inuu yahay qof aanan wax dambi ah geysanin balse waa uu naga baxay, dhageysiga dacwaddiisa waxaa lagu waday toddobaadkan" ayay tiri gabadha Hanekom.

"Aaabahay waxaa uu ahaa nin wanaagsan, wuxuuu ahaan nin daacad ah, qoyskiisa ku kala nool Mozambique iyo Koonfur Afrika wax weyn ayuu u taray, waxaan doonaya in adduunka uu arrintaasi la socda" ayay tiri.

Maxaa lagu heystay?

Bishan Janaayo, xafiiska dacwad oogaha ee magaalada Cabo Delgado ayaa Hanekom iyo labo qof u dhashay dalka Tanzania sheegay inay yihiin hoggaamiyeyaasha kooxda jihaad doonka ee ka dagaalanta dalka Mozambique, maleeshiyaadka hubeysan ayaa muddo ka badan sannad argagax ku hayay shacabka ku nool gobolka qaniga ku ah shidaalka ee waqooyiga dalkaasi.

Hanekom ayaa la sheegay in bil kasta uu mushaar ahaan u siin jiray maleeshiyaadka lacaga gaareyso 164 doolar, sida uu sheegay dacwad oogaha.

Laanta dambi baarista ee dalka Mozambique waxay sheegtay in guriga Hanekom ay ka heleen waxyaabaha qarxa, Baangado, qaansooyin, fallaar iyo hub.

Hubkan laga helay gurigiisa ayaa waxay caddeyn u tahay eedeymaha loo haysta ee ah inuu maalgelinayay iyo uu hagayay weerarada kooxaha maleeshiyaadka, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha.

Maleeshiyaadka ayaa doonayay in dowlad madaxbannaan ay ka hirgeliyaan waqooyiga Mozambique iyo koonfurta Tanzania halkaas oo ah dhul kheyraad leh.

Maxay yirhaadeen qoyska?

Xaaska Hanekom, Francis, oo u ololeyneysay in la sii daayo ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay eedaha loo heystay.

Waxay sheegtay inay ku noolaayeen magaalada Palma muddo 30 sanno ah halkaasina howlo ganacsi ay ka wateen balse aysan damac ah ka gelin siyaasadda dalkaasi.

Andrie Hanekom waxay sheegtay in aabaheed uu xanuunsaday , saraakiisha xabsiga ayaa daqiiqado yar u ogolaaday hooyadeed inay aragto aabaheeda oo xannuunsanaa.

Qoyska waxay sheegeen inay hayeen caddeymo dhowr ah oo muujinayo in uusan wax dambi gelin aabahood.,

Waa kuma maleeshiyaadka?

Waxay weerarro la beegsadeen tuulooyin iyo ciidamo ku sugnaa magaalada Cabo Delgado tan iyo bishii Oktoobar sannadkii 2017-kii.

Dadka deegaanka waxay u yaqaannaan magaca Al-Shabaab, ururka ayaa la aasaasay sannadkii 2015-kii, wax xiriir lama laheyn Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Militariga Mozambique waxay howlgal ka wadaan waqooyiga dalkaasi tan iyo markii weerarada ay bilaawdeen

Waxaa la rumeysan yahay in xubnihii ugu horreeyay ee ururka ay taabacsanayeen waddaad xagjir ah oo u dhashay dalka Kenya oo la dilay sannadkii 2012-kii.

Ururka ayaa ku baahay koonfurta, waxaa ay gaareen deegaanka Kibiti ee dalka Tanzania oo ku dhaw xadka Mozambique. waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in ururka uu maalayin lacago ah ay kasoo gasho ka gancsiga Alwaaxda iyo macddanta.

Weerarada ay qaadeen maleeshiyaadka ka dagaalama Mozambique waxaa ku dhintay dad kaban 150 qof halka 600 guri dab la qabadsiiyay.

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM