Sii deynta dhakhaatiir u qafaalan Al-Shabaab oo laga arrin-sadey

Image
Lahaysteyaasha ayaa ku jira gacanta maleyshiyadda hubeysan tan iyo sanadkii 2019-kii.

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez Parrilla oo ku booqday aqalka madaxtooyada.

Intii uu socday kulankii Sabtidii, Uhuru iyo Parrilla waxa ay ka wadahadleen arrimo badan oo muhiim u ah Kenya iyo Cuba oo ay ku jirto sidii si nabad ah loogu soo celin lahaa dhakhaatiirtii Cuba u dhalatay ee ay Al Shabaab ku qafaasheen gudaha Kenya sanadka 2019-ka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay xaqiijinta sii deynta dhakhaatiirta Cuba ee lagu haysto Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo dhaweeyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Kenya iyo Cuba.

Isagoo ka mahadcelinaya taageerada Cuba ee tababarka dhakhaatiirta Kenya, Uhuru wuxuu ku celiyay in Kenya ay qiimeyso iskaashiga ay la leedahay qaranka Kariibiyaanka.

"Waxaan rabaa in aan sheego in aan qadarinayno taageeradiina, waxaana ku celinaynaa in Cuba uu saaxiib dhab ah ku leeyahay Kenya, waxaan mar walba idinla garab istaagi doonnaa midnimo kasta oo ku aaddan heer kasta oo dhinacyo badan leh."

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay sare u qaadista xiriirka labada dal.

Parrilla, oo uu wehliyo Safiirka Cuba u fadhiya Kenya, Juan Manuel Rodriguez Vazquez, ayaa sheegay in labada dal ay sii wadi doonaan ka wada shaqeynta xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee heer kasta ah.

Waxa uu Madaxweyne Kenyatta u gudbiyay dhambaal gaar ah oo uu uga siday Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel.

Waxaa goob joog ka ahaa madaxa adeega bulshada Joseph Kinyua, xoghayaha wasaarada arimaha dibada Raychelle Omamo, madaxa caafimaadka ee maamulka Rashid Aman iyo agaasimaha u qaabilsan Ameerika iyo agaasinka Caribbean-ka Patrick Nzusi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM