Sii deynta dhakhaatiir u qafaalan Al-Shabaab oo laga arrin-sadey

Image
Lahaysteyaasha ayaa ku jira gacanta maleyshiyadda hubeysan tan iyo sanadkii 2019-kii.

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez Parrilla oo ku booqday aqalka madaxtooyada.

Intii uu socday kulankii Sabtidii, Uhuru iyo Parrilla waxa ay ka wadahadleen arrimo badan oo muhiim u ah Kenya iyo Cuba oo ay ku jirto sidii si nabad ah loogu soo celin lahaa dhakhaatiirtii Cuba u dhalatay ee ay Al Shabaab ku qafaasheen gudaha Kenya sanadka 2019-ka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay xaqiijinta sii deynta dhakhaatiirta Cuba ee lagu haysto Soomaaliya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo dhaweeyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Kenya iyo Cuba.

Isagoo ka mahadcelinaya taageerada Cuba ee tababarka dhakhaatiirta Kenya, Uhuru wuxuu ku celiyay in Kenya ay qiimeyso iskaashiga ay la leedahay qaranka Kariibiyaanka.

"Waxaan rabaa in aan sheego in aan qadarinayno taageeradiina, waxaana ku celinaynaa in Cuba uu saaxiib dhab ah ku leeyahay Kenya, waxaan mar walba idinla garab istaagi doonnaa midnimo kasta oo ku aaddan heer kasta oo dhinacyo badan leh."

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay sare u qaadista xiriirka labada dal.

Parrilla, oo uu wehliyo Safiirka Cuba u fadhiya Kenya, Juan Manuel Rodriguez Vazquez, ayaa sheegay in labada dal ay sii wadi doonaan ka wada shaqeynta xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee heer kasta ah.

Waxa uu Madaxweyne Kenyatta u gudbiyay dhambaal gaar ah oo uu uga siday Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel.

Waxaa goob joog ka ahaa madaxa adeega bulshada Joseph Kinyua, xoghayaha wasaarada arimaha dibada Raychelle Omamo, madaxa caafimaadka ee maamulka Rashid Aman iyo agaasimaha u qaabilsan Ameerika iyo agaasinka Caribbean-ka Patrick Nzusi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM