Siyaasiyiin loo xiray afgembigii dalka Itoobiya iyo xaaladda oo wali kacsan

Image

ADDIS ABABA - Booliska Itoobiya ayaa xiray 56 qof oo xubno ka ah xisbiga siyaasadeed ee Amxaarada kadib afgambigii fashilmay ee la doonayey in lagula wareego awoooda gobolka, waxaa sidaas sheegay afhayeenka xisbiga.

Xariga ayaa ka dhacay magaalada Addis-Ababa, sida uu sheegay Christian Tadele oo ah afhayeenka Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NaMa), oo ah xisbi caan ka ah qowmiyadaas, oo ah 25% dadka Itoobiya.

"Ololaha lagu xiray xubnaha NaMa iyo taageerayaashooda ma ahan kaliya mid ka dhan ah xisbiga balse sidoo kale waa weerar ku salaysan isir” ayuu Christian u sheegay AFP.

Tan iyo markii la aas-aasay sanadii tagtay, xisbigan ayaa loo arkay kan ugu xooggan ee la loolami kara xisbi kale oo Amxaaro ah oo ku jira isbahayasiga talada dalka haya ee EPRDF.

Xisbigan ayaa cambaareeyey rabshadihii gobolka ka dhacay sabtidii tagtay ee la doonayey in lagu afgambiyo dowladda gobolka, waxayna beeniyeen inay ku lug lahaayeen.

Boolika iyo xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaan wax jawaab ah ka bixin xariga la sheegay in xubnaha Amxaarada loo gaystay.

Rag hubaysan ayaa sabtidii toogasho ku dilay labada sarkaal ee ugu sarreeya militariga Itoobiya iyo saddexda mas’uul ee ugu sarreeya gobolka Amxaarada, taasi oo dowladda ay ku qeexday afgambi goboleed fashilmay.

Tobaneeyo qof oo kale ayaa lagu dilay magaalada caasimadda u ah gobolka Amxaarada ee Bahir Dar kadib afgambigii fashilmay markii maleeshiyo hubaysan ay weerareen xarunta booliska, xarunta xisbiga haya talada iyo xafiiska madaxweynaha gobolka.

Dowladda ayaa madaxa amniga gobolka, Jeneral Asamnew Tsige oo qowmiyadda Amxaarada ka tirsan, ku eedeysay inuu ka dambeeyey isku dayga afgambi. Ciidamada dowladda ayaa dilay Isniintii.

Adeeggii Internet-ka ayaa la sheegay in lasoo celiyay balse wali ay jirto xaaladda kacsan, iyadoo ciidamada ay ku jiraan howlgallo lagu qabqabanayo dadkii ku lugta lahaa afgembiga.

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM