Soomaali lagu laayey Itoobiya, hogaamiye ka tirsan Oramada oo ka hadlay

Image

In ka badan 20 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay degaano hoos-yimaada dhulka Soomaalida Itoobiya kadib markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen tuulooyinka ay deganaayeen Dabley hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Oromadda.

Weerarka koowaad ayaa wuxuu ka dhacay degaanka Jinacsani oo ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo wararku tibaaxayaan in lagu dilay Sagaal ruux, kuwaasoo meydadkooda la geeyay magaalo madaxda DDSI ee Jigjiga, maanta oo Talaado ah.

Magacyada 7 qof oo ku dhimatey Weerarkaan

1.  Cabdisalan Maxamed Maxmuud

2. Cabdi Khadar Maxamed Xaaji

3. Axmed Aw Maxamed Nuur

4. Cabdulaahi Yuusuf

5. Cabdi Nuur Muuse

6.  Ismaacil Maxamed Cali

7. Xasan Cabdi Ducaale

Duulaanka labaad ayaa wuxuu ka dhacay tuulooyinka Tulli Guled iyo Baabile, halkaasoo la tilmaamay in lagu dilay 13 qof oo shacab ah, kuwaasoo meydadkooda loosoo qaadey iyagana xarunta DDSI, waxaana la dhigay Isbitaalka Jigjiga Referral.

Fahfaahinta ayaa intaasi ku dareysa in qoyska xubnahaan la dilay ay diideen in la aaso meydadka, iyagoo codsaday inay la kulmaan Madaxwaynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], kaasoo dhowaan xilka la wareegay.

Weerarkaan cusub ayaa wuxuu kusoo beegmaya xili isbedalo ka socdaan degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana xilkii laga xayuubiyay maanta Taliyihii ciidamadda Liyuu Boolis, xili xabsi la dhigay Cabdi Ilay iyo Lix xubnood oo kale, kuwaasoo lasoo shaqeeyay.

Dhinaca kale waxaa bartiisa Twitter iyo Facebook soo dhigey dilka 9-ka qof ee Soomaalida inuu ka xun yahay Jawar Maxamad oo ah nin saxafi ah islamarkaana kamid ahaa dadkii masaafuriska kasoo noqdey. Jawar Maxamad ayaa kasoo jeeda qowmiyada Oramada waxaana uu kamid aha dadkii qaybta ka ahaa kacdoonkii sababey in xilka uu qabto Abiy Axmad.

”Waxaa ah wax aad looga xumaado Sagaal kamid ah waalalahayga Soomaalida lagu diley  agagaarka Chinaksan. Cabdi Ileey waa tagey ma jirto sabab uu dilkaan u soo socda, labada hogaamiye ee maamuladaan, qaybaha kala duwan bulshada iyo dowlada Federaalka waa in Nabad waarta dhex dhigaan labadaan bulsho, anaga aha saxaafada iyo bulshada rayidka ah waa in kaalinteena qaadana.” Sidaas waxa ku qorey Jawar Maxamad.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromadda oo sanadihii u dambeeyay ahayd mid meeshii ugu sareysay gaartay ayaa u muuqata mid kasii dareysay, inkasta oo masuuliyiinta labadda dhinac ay sheegayaan inay rabaan soo afjarida colaadda gaamurtay.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wuxuu horey digniin culus uu ujeediyay dad uu sheegay inay dab kusii shidayaan colaadda labadda qowmiyadooda, isaga oo ku goodiyay in dowladiisa ay gacan bir ah ay ku qaban doonto, inkasta oo uusan wali talaabo qaadin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM