Soomaali lagu waayey in uu caawiyey weerarkii Westgate oo la afduubtey

Image

NAIROBI, Kenya – Shaqsi lagu waayey dacwad argagixisanimo ah oo la xiriirta weerarkii 2013-kii ee xarunta loo tukaameyso tago Westgate kuna taala caasimada Kenya ee Nairobi ayaa waxaa afduubatay dabley.

Arbacadii, laba shaqsi kale ayaa lagu helay fal-dambiyeedkaas ay ku naf-waayeen in ka badan 71 ay kamid yihiin ajaaniib reer Galbeed ah.

Ruuxa saddexaad ee maxkamadeynta maray, Liibaan Cabdullaahi Cumar kaasoo walaalkiisa uu kamid ahaa dableyda duulaankaas ka qeyb-qaadatay, ayaan lagu helin dambi taasoo ka dhigan in xorriyadiisa loo celiyey.

Hasayaashee, goobjoogeyaal kala duwan ayaa tilmaamay in kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoon ay joojiyeen gaariga uu saarnaa ayna wateen.

Cumar, oo ah Soomaali qaxooti ahaan ku joogay Kenya, ayaa markii la qafaalanayey wuxuu kasoo baxay xafiiska booliska argagixiso la dirirka, sidda uu sheegay Khaliif Khaliifa, agaasimaha hay'ad maxali ah oo u dooda xuquuqda Muslimiinta kaasoo u waramay warbaahinta maxaliga ah.

"Waxaa laga soo daayey Xabsiga Dhexe ee Kamiti, kadib wuxuu iska soo saarey liiska argagixiso la dagaalanka taasoo ah habraac ay maraan latuhunsaneyaasha xagjirnimada," ayuu ku sheegay qayb kamid ah wareysiga.

Sidda laga soo xigtay Khaliif, dableyda oo ku labisaneyd darees madow ayaa joojiyey tagsiga Cumar iyagoo isku sheegya ciidamada amniga.

Taliska Booliska oo warbaahinta u dirtay dalabyo ku saabsan in uu ka hadlo dhacdadaan ayaa ka cudurdaartay in ay ka faaloodaan kiiska.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Westgate kaasoo muddo afar maalmood ay qaadatay in ay soo afjaraan ciidamadda.

Qafaalashada Liibaan Cabdullaahi Cumar ayay dadka qaar la xiriirinayaan Mukhaabaraadka Kenya kuwaasoo horey u wajahayey eedo ku saabsan in ay dileen ama ay afduubteen dad looga shakiyey argagixisanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM