Soomaali qaxootinimo ku galay Rwanda oo helay fursad iyo jaceyl

Image
Image
Image
Image
Image

KIGALI, Rwanda - Cali Cabdi, muwaadin Soomaaliyeed, kaasoo dagaalkii sokeeye dartiisa uga cararay dalka 28-sano kahor ayaa fursad naadir ah iyo jaceyl ac helay Rwanda.

Rwanda ayaa muhaajiriinta lamidka ah Cali u ogolaata in dalkaasi ay ka bilaabaan ganacsi, ayna helaan daryeel caafimaad, hanaan maaliyadeed iyo waxbarasho.

"Waxaan lamid ahay muwaadin kasta oo halkaan ku nool. Luqada ayaa ku hadlaan…saaxiiba aan yeeshay 17-kii sano ee ugu dambeeyay waxay u dhasheen dalkaan," ayuu Cali yiri.

– Fursadda dahabiga ah –

Cali ayaa sanado kahor guursaday Jasmine Mukagashagaza, taasi oo ah talaabo aysan nasiib u helin ragga Soomaliyeed qaarkooda ee kunool dalkan. Jasmine waxay dhalatay waa muwaadin reer Rwanda ah.

"Iyaddu waxay u dhalatay dalkaan…wax badan ayey ii sheegtay…haddana waan noqon karaan mid madax banaan," ayuu raaciyay.

Shan caruur oo nolal heer sare ah ku jira ayay haystaan lamanaahan, kuwaasoo degan guri ay iyagu leeyihiin.

– Riyada Cali –

Cali ayaa doonaya in Ubadkiisa uu siiyo wax kasta oo garaadkooda sare u qadaya, isaga oo soo bandhigay riyadiisa.

"Aniga waxaan rabaa in ay wax bartaan oo ay si adag u shaqeeyaan...ma wajihi doonaan dhibaatooyinka qaar ee aan aniga soo maray," ayuu Cali hadalkiisa raaciyay.

Rwanda ayaa martigelineysa in ka badan 150,000 oo qaxooti ah, kuwaasi oo 12,000 oo kamid ah ay ku nool yihiin magaalooyinka sida caasimadda Kigali.

Dadka Soomaaliyeed ee u qaxay dibada kadib burburka uu haatan dalka kasoo kabanayo ayaa saameyn wanaagsan ku yeeshay dalalka ay tageen, marka loo eego dhinacyada, siyaasada, waxbarashadda iyo ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM