Soomaaliya iyo Jabuuti oo shir degdeg ah isugu yeeraya IGAD

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan xubnaha Urur Goboleedka IGAD, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diblumaasiyadeed.

Diblumaasiyiinta dalalkan ayaa rumeysan in kulankan uu muhiim tahay kahor inta aan lagu dhawaaqin xubnaha qabanaya jagooyinka muhiimka u ah hab-sami u socodka shaqooyinka ururka IGAD.

Xilalkan oo khilaaf uu ka taagan yahay ayaa waxay kala yihiin Gudoomiyaha guud iyo Xoghayaha Fulinta oo la magacaabay.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku haysta xilka Xoghayaha Fulinta, halka Jabuuti iyo Kenya ay isku hayaan jagada kale.

Workeneh Gebeyehu, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxaa loo xushay in uu noqdo Xoghayaha Fulinta.

Magacaabida Gebeyehu ayaa meesha ka saartay rajadii Soomaaliya oo kamid ahayd dowladihii aas-aasey urur goboleedkan.

Kaliya waxaa haatan soo haray xilka Gudoomiyaha, kasoo la aaminsan yahay in ay Kenya ugu cad-cadahay in loo caleema saaro.

Xukuumadaha Muqdisho iyo Jabuuti ayaa "qaadacay sida ay haatan wax u socdaan" wallow aysan si furan u muujin caradooda, waxaa la aaminsan yahay in ay kulanka degdeg ah kusoo bandhigayaan.

Kenya iyo Itoobiya oo qudhooda ka war-haya diidmada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si xeeladeysan u hirgelinaya qorshahooda.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa nan la ogayn hadii wadamada xubnaha ka ah IGAD ay aqbali doonan soo jeedinta Soomaaliya iyo Jabuuti, maadaama qorshuhu in shir kale ay madaxdu yeeshaan bishan October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM