Soomaaliya iyo Suudaan oo ka shiray caqabadaha gobolka

Image
Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa ku kulmqy magaalada New York ee dalka Mareykanka.

NEW YORK, United States - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada New York, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Suudaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Suudaan in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM