"Soomaaliya oo duulaan diblumaasiyadeed ku qaadey Kenya"

Image

NAIROBI, Soomaaliya – Wargeyska Daily Nation ayaa warbixin dheer ka qoray digniintii uu Ururka Jamaacadda Carabta u dirtay Kenya ee ku aadan "sheegashada beenta ah ee biyaha Soomaaliya".

Faaladda joornaalka ayaa waxaa ciwaan looga dhigay "Soomaaliya waxay duulaan diblumaasiyadeed oo ku aadan xiisada badda kusoo qaadey Kenya".

Jaraa'idka ayaa qorey in Soomaaliya ay "karkarineysa xiriirka kala dhaxeeya Kenya markii ay soo saartey war-saxaafadeed siyaasadeed oo kasoo baxey Ururka Jamaacadda Carabka kaasoo Nairobi ku cambaareynaya sheegasheeda dhulka biyeedka Soomaaliya".

Khamiistii, baarlamaanka Carabta ayaa bayaan aan caadi ahayn soo saarey kaasi oo sheegaya in ay Kenya calaameysatay khariirad sharci darro ah kamid ah dhulka Soomaaliya.

Sidda ay daabacdey wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, warka qoraalka ah ayaa sheegaya in biyaha Soomaaliya ay ku jiraan biyaha carabta, iyaga oo soo xiganaya biyaha badan ee ay haystaan dalalka xubnaha ka ah Jamaacada Carabta oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

"Baarlamaanka Carbeed wuxuu Kenya ku tartarsiinayaan in ay gacmaheeda kala baxdo biyaha dhuleed ee Soomaaliya kaasi oo qeyb ka ah biyaha Carabta, wuxuuna diidayaa [baarlamaanka] calaameysiga sharci daradda ah ee cusub iyo khariirada beenta ah, waxa uu sidoo kasoo horjeedaa hanjabaadyada farogelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya," ayaa tiri wasaarada oo soo turjuntay war-murtiyeed Af-Carabi ku qoran oo uu baarlamaanku soo saarey.

Jamaacadda Carabta waa urur goboleed kaasi oo ay ku mideysan wadamada luqada Carabiga ku ah ee dhaca Waqoyga Afrika iyo wadamada Carbeed.

War-saxaafadeedkan ayaa dhinac u ridayaa khilaafka labada dowladood ee deriska ah kahor go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.
Sanadkii 2014-kii, Soomaaliya ayaa Kenya ka dacweysay ICJ si dib loogu calaamadeeyo xuduud badeed ay Nairobi sheegatay.

Goobta ay muranka gelisay Kenya oo badkeeda lagu qiyaasay 100,000 KM oo laba jibaaran ayaa waxaa la sheegayaa in ay hodan ku tahay noocyo badan oo kheyraad dabiici ah sida Gaaska iyo Saliida.

Maamulka Uhuru Kenyatta illaa iyo haatan kama uusan jawaabin war-saxaafadeed kasoo baxay baarlamaanka Carbeed.

Sikastaba ha ahaatee, dadka ka faalooda arrimaha gobolka iyo baddaha ayaa labada dowladood ku tartarsiinaya tan iyo markii kiiskan la horgeeyay Maxkamadda in ay ka dhowr-sugayaan xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM