Soomaaliya oo Ka Qayb Qaadanaysa Dhoolatuska Ciidan ee Ugu Ballaarnaa

Image

Kenya (GO) - Mareykanka ayaa maalintii Isniinta ka bilaabay Kenya dhoolatus militari oo uu hoggaaminayo oo loogu magac daray “Justified Accord,” kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 20 dal. Dhoolatuskan ayaa loo aqoonsaday inuu yahay kan ugu weyn noociisa ee ka dhaca Bariga Afrika.

Dhoolatuskan oo socon doona 11 maalmood ilaa Khamiista soo socota, ayaa ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo diyaargarowga dalalka ka qeyb galaya ee ku aaddan howlgallada nabad ilaalinta, jawaabta degdegga ah iyo gargaarka bani’aadannimada, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ee SNTV iyo warbaahinta Kenya.

Tobanaan ka tirsan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Mareykanku tababaray ayaa ka qeyb qaadanaya dhoolatuska, kaas oo, sida uu sheegay website-ka wararka ee Kenyans.co.ke, isugu keenaya 1,000 askari iyo cutubyo ka kala socda 23 dal.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in “Justified Accord” yahay “dhoolatuskooda ugu weyn ee Bariga Afrika.”  "Dhoolustuskaan ayaa muujineysaa rabitaanka Mareykanka iyo dalalka la-hawlgalaya inay kordhiyaan diyaargarowga iyo isdhexgalka si loo xoojiyo amniga gobolka iyo ka jawaabista halisaha amni,” ayuu yiri militarigu.

Mareykanku wuxuu hoggaamiyay dhoolatusyo la mid ah kuwan Bariga Afrika sanadihii u dambeeyay maadaama gobolku la tacaalayo kacdoonka halista ah ee al-Shabaab iyo caqabadaha kale ee amniga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM