Lacagta ku baxday 100 safar oo uu Uhuru Kenyatta oo lasoo bandhigay

Image

NAIROBI, Kenya – Kadib markii doorasho lagu murmay dib loogu doortay bishii October 2017-ka, oo ku suntan saddex sano, madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa u buuxsan tahay 100-safar oo dibadda ah.

Tani macnaheedu ayaa waxa uu yahay in uu ka badan yahay ninkii uu xukunka kala wareegay 2013, Mwai Kibaki, kaasi oo laba sano markii uu xafiiska joogay galay 33-socdaal oo ah meel ka baxsan wadankaasi.

Guud ahaan caalamka, Uhuru waxa uu tegay 45 dal. Kaliya markii uu xafiiska joogay hal sano, waxa uu u socdaal 86 caasimad, iyadda oo 2015-kii uu u ahaa midkii ugu mashquulka badnaa, isaga oo galay 26 safar.

Soomaaliya, Uganda, Itoobiya, Tanzania, Ingiriiska, Shiinaha iyo Rwanda ayaa la sheegay in ay yihiin dalalka ugu badan ee uu ku noq-noqday hogaamiyaha dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Addis Ababa, oo uu 15-jeer tegay, Kampala, oo sagaal jeer ah, Kigali oo sideed ah iyo Tanzania oo sideed jeer ah, ayaa waxay yihiin magaalooyinka ugu badan ee uu socdaalka ku tegay Uhuru Kenyatta.

Dalalka uu min hal jeer u socdaalay ayaa waxay kala yihiin; Algeria, Botswana, Burundi, Cuba, Djibouti, Germany, Israel, Japan, Jordan, Kuwait, Malta, Morocco, Namibia, Qatar, Russia, Sudan, Togo, Turkey, UAE iyo Mozambique.

Si lamid ah wadamada uu min laba jeer booqasho rasmi ah ku tegay ayaa kala ah; Angola, Belgium, Canada, Koongada Dimoqraadiga ah, Faransiiska, Ghana, Hindiya, Talyaaniga, Nigeria, Mareykanka iyo Zambia.

Siyaasiyiinta Kenya, mufaaxad, mucaarad iyo kuwa madax banaan oo durba bilaabay falanqeynta socdaalka badan ee Uhuru ayaa ku kala aragti duwan in uu yihiin kuwa faa'iido lahaa ama in aysan ahayn.

Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda Kenya, oo mar sii horeysay dhaliilahaasi ka jawaabtay ayaa tilmaamtay in "inta badan booqashooyinka Kenyatta ay yihiin kuwa waxtar u leh dalka iyo dadka reer Kenya".

Dhaqaalaha

Sida kawada og-yahay safarada ay galaan madaxweyneyaasha waa kuwa heer sarre ah, inkasta oo ay dhaqaalaha ku xiran tahay fogaanta, maalmaha uu joogayo iyo wafuuda, haddana waxaa ku baxda dhaqaalo badan.

Maareeyaha Miisaaniyadda Kenya, Agnes Odhiambo, ayaa waxa uu tibaaxay in safarada madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay ku baxday in ka badan 58 milyan oo dollarka Mareykanka.

Odhiambo ayaa waxaa laga soo xigtay in sanadka 2019-20 ay Miisaaniyad ahaan u qorsheysan tahay Uhuru Kenyatta in ka badan 87-milyan oo dollar-ka Mareykanka, taasi oo ka baxay inta uu helay Kibaki, sanadkiis koowaad.

Sikastaba, madaxweynaha Kenya ayaa illaa iyo haatan waxa uu sanadkan 2019 uu galay 15 oo midkii ugu dambeeyay uu Axadii ku tegay Suudaan si uu goobjoog uga noqday heshiiska dhinacyada dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM