Soomaaliya oo si weyn u hareysay ololaha doorashada Kenya

Image
Dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudda 2014-kii kadib weeraro dhowr ah oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

NAIROBI, Kenya – Musharaxa xilka madaxweynaha Kenya Raila Odinga ayaa ballan-qaaday inuu dib u furi doono xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, haddii la doorto 9-ka August.

Raila ayaa sheegay in xuduudda la furi doono si loo fududeeyo ganacsiga isaga kala goosha labada dal. “Waa inaan diyaarinaa wax kasta oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada xuduuddan, sidaas darteed waxaan la macaamili karnaa walaalaheena Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Odinga, oo ay wehliso haweeneyda uu u xushay inay madaxweyne ku-xigeen u noqoto ee Martha Karua iyo hoggaamiyeyaal kale, ayaa ballan-qaaday inuu xaqiijin doono in la horumariyo amniga Mandera iyo guud ahaan kan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Gobolkan ayaa weli waxaa asiiba weeraro kaga imanaya kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.Dhacdadii ugu dambeysay ayaa timid Khamiistii markii mintidiin hubeysan ay joojiyeen bas ku socday Mandera, ayna muxaadaro socotay laba saac u jeediyeen rakaabka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ay diiradda saari doonto horumarinta kaabayaasha gobolka, si loogu furo dalka intiisa kale.

Waxa uu soo qaatay dhismaha mashruuca waddada Geeska Afrika oo dhexmari doonto Isiolo iyo Wajir ee ku dhammaan doonto Mandera, ayada oo sii mareysa magaalada Ceelwaaq.

Dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudda 2014-kii kadib weeraro dhowr ah oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan, ayaa sida ay sheegtay dowladda, waxaa sidoo kale looga dan lahaa in lagu joojiyo badeecadaha sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda iyo hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM