Sudan iyo Itoobiya oo ka heshiiyey muranka biyo xireenka

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Suudaan ayaa shaacisay in ay kula heshiisay Itoobiya in dib loo bilaabo wadahadalada biyo xireenka lagu muransan yahay ee Nile iyo in ay dib u shaqo bilaabeen guddiyada isku dhafka todobaadka dambe.

Ku dhawaaqidan ayaa ka dambeysay markii ay Axadii ku kulmeen Ra'iisul Wasaareyaasha labadda waddan – Cabdalla Xamduuk iyo Abiy Axmed – kuwaasoo ay miiska wadaxaajoodka ku wehliyaan mas'uuliyiin kale

Is-qabqabsiga biyo-xireenka Nile ayaa u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan. Khartuum iyo Khaahira waxay ku andacoonayaan in biyo-xireenka uu hoos u dhigayo saamigooda biyaha, halka Addis Ababa ay beenisay.

Heshiiska cusub ee Suudaan iyo Itoobiya ayaan la ogeyn waxa uu u dhimi karo halka kalkii hore ay doodu taagneyd iyo jihada uu bixin karo.

Sidda ay wararku sheegayaan, qadiyadan waxaa looga doodi doonaa kulan uu Urur Goboleedka IGAD yeelan doono maalmaha soo aadan. Suudaan waa shir-gudoonka shirka, halka Masar aysanba kamid ahayn xubnaha.

Biyo-xireenka webiga Nile ayaa ku baxeysa malaayiin Doolarka Mareykanka taasoo ka imaaneysa Shiinaha, waxaana Itoobiya ay damacsan tahay in ay ka dhaliso koronto ay "kawada faa'iidi doonan dadka Geeska Afrika".

Maamulka Donald Trump ayaa horey ugu fashilmay u kala dabqaadida dhinacyadda markii Itoobiya ay u hogaan-sami weyday heshiis qabyo qoraal uu diyaariyey Mareykanka kaasoo Addis ku qeexdey mid "u adeegaya danaha danaha Masar".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM