Sudan oo diidey dalab ku aadan xiriirka Israel kana yimid Mareykanka

Image

KHARTUUM, Sudan – Suudaan diyaar uma ahan in la isla xiriiriyo in laga saaro liiska Mareykanka ku shabadeeyay ee ah in ay maalgeliso argagixisada iyo cilaaqaad ay la yeelato Yahuuda, sidda uu sheegay ra'iisul wasaaraha.

Dhawaqa Cabdalla Xamduuk ayaa yimid xilli illo wareedyo ay xaqiijiyeen in saraakiil ka tirsan Washington oo la kulmay madaxda Khartuum ay hor-dhigeen shuruud ah in ay caadiyaan xiriirka ay la leeyihiin Isreal.

Liiskaas oo Sudan lagu daray mudadii uu xafiiska joogay Cumar Al Bashiir ayaa caqabad ku noqdey dowladda cusub ee ku meelgaarka ah gaar ahaan dhinacyadda qaan-dhaafitaanka iyo maalgelinta dhanka caalamiga ah.

Xamduuk ayaa wariyey in bishii hore uu la kulmay Wasiirk Arrimaha Dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, wallow uusan soo bandhigin fahfaahinta.

"Mawduuca ku saabsan xiriirka Yahuuda wuxuu u baahan yahay in si qoto dheer u eegto bulshadda," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo dib u habeynta dhaqaalaha ku saabsanaa isla markaana uu ku qabtay magaala madaxda waddankaas.

Madaxweyne Donad Trump ayaa soo agaasimay wax uu ugu yeeray "Heshiiska Qarniga" kaasoo Imaaraadka iyo Barxeyn ku caadiyeen xiriirka Yahuuda.

Diidmada cad ee Suudaan ayaa kusoo hagaageysa xilli carro xoogan ay Falastiiyiinta ka muujiyeen talaabooyinka Imaaraadka iyo Baxreyn, iyagoo ku dhaleceeyeen Ururka Jaamacada Carabta in uusan wali talaabo ku dhiiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM