Xukuumad cusub oo looga dhawaaqay dalka Suudaan

Image
KHARTOUM - Ra'isal Wasaarada cusub ee dalka Sudan ayaa ku dhawaaqey maalinimadii Khamiista golihiisa xukuumada tan iyo intii afgambiga lagu tuurey Bishii April dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cumar Al Bashiir.

Dhismaha Xukuumada ayaa waxa ay qayb ka tahay heshiis sadex sano oo awooda lagu qaybsanayo kaasoo ay saxiixeen Bishii la soo dhaafey ciidamada iyo xisbiyada shacabka ee mudaharaadayey.

Ra'isal wasaare Cabdalla Hamdok ayaa ku dhawaaqey magacyada 18 Wasiir oo kamid noqon doono xukuumada cusub isagoo sidoo kale sheegey in labo xubnood dib ka magacaabi doono.

"Xukuumada cusub waxay bilaabi doontaa shaqadeeda sida uga dhaqsaha badan si wadajir ah," ayuu Hamdok ku yiri war-saxaafadeed. "Maanta waxaan bilaabanaya bog cusub oo taariikhdeena gala." 

Dowlada cusub waa talaabo muhiim ah oo horey loo qaadey xiliga KMG ah kadib muddo 30 sano ah oo dalkaas ku hoos jirey xukunkii kaligii taliyaha Cumar Al Bashir.

Dalkan Carbeed ee dhaca waqoyga qaarada Afrika ayaa waxaa ragaadiyey hurumarkiisa dagaalo sokeeye, cunaqabateyno caalami ah oo saarnaa iyo dhaqaale xumo ba'an.

Khilaafka ciidamada iyo shacabka 

Si kastaba, khilaafka labadaba dhinac ayaa taagnaa tan iyo intii ciidamada amniga weerarka ku qaadeen banaan baxayashii xilka ka tuurey kaligii taliye Cumar Al bashiir.

Siyaasiyiinta ku hadlaysay afka banaanbaxayasha ayaa ku doodayey mudadaas in sharciga la horkeeno saraakiishii hogaamineysay ciidanka xasuuqa u gaystey dadkii mudahraadayey oo jidadka fadhiyey.

Dhinaca kale, magacaabista xukuumada cusub ayaa waxaa dib u dhigey muran xilalka ah. Inta badan 18 Wasiir waxaa la ansaxiyey horaantii asbuucii hore.

Waxaa kamid ah Asmaa Cabdalla oo noqotey haweeneydii ugu horeysay oo qabata xilka Wasiirka arimaha dibada iyo Ibraahim Elbadawi, oo horey ugu shaqeyn jirey Bangiga Aduunka isagoo qabanaya xilka Wasiirka Maaliyada.

Madani Cabaas Madani, hogaamiyihii isbaheysiga kacdoonka shacabka kaas oo qayb ka ahaa wadahadalka lagu qaybsadey xubnaha Dowlada ayaa noqdey Wasiirka warshadaha iyo ganacsiga.

General Jamal Cumar, oo kamid ahaa golihii KMG ahaa ay dhiseen Ciidmadu kaas oo Madaxweyne isu caleemo saarey markii xilka laga tuurey Cumar Al Bashir ayaa noqdey Wasiirka Difaaca.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM