Sudan oo shaacisay talaabo loo qaadey xalinta muranka webiga Nile

Image

KHARTUUM, Suudaan – Wasaaradda Biyaha Suudaan oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in wadahadalada lagu xalinayo muranka Webiga Nile ay dib u bilowdeen, iyaddoo ay garwadeen ka tahay Koonfur Afrika.

South Africa ayaa haatan ah shir gudoonka ururka Midowga Afrika oo soo farageliyey xaalada markii ay kasii dartay xiisada ka dhalatay dhismaha biyo xireenka oo qarka u saartay dagaal dowladaha Masar iyo Itoobiya.

"Wadaxaajoodyadda la xiriira buuxinta biyo xireenka webiga Nile ee u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa dib u bilowday galabnimadii iyaddoo la adeegsanayo habka maqal aragga ah," ayay wasaaradu tiri Jimcadii.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay dhinacyadda ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda si loo helo xal kama dambeys ah.

Masar iyo Sudan ayaa wajahaya cadaadis ku saabsan in ay heshiis la gaaraan Ethiopia oo dhankeeda kasoo dabacdey mowqifkeeda ahaa in aysan dib u dhigi doonin buuxinta biyaha oo asbuucyada soo aadan u qorsheysay.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu burburay dedaalo Mareykanka hormuud ka ahaa oo la doonayey in lagu xaliyo muranka biyo xireenka.

Itoobiya ayaa u aragta biyo xireenka mid muhiim u ah horumarkeeda dhanka Tamarta, Masar waxay ku doodeysaa in uu halis ku yahay wax soo saarkeeda, halka Sudan ay sheegtay in uu wiiqayo saamigeeda biyaha webiga Nile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM