Sudan oo shaacisay talaabo loo qaadey xalinta muranka webiga Nile

Image

KHARTUUM, Suudaan – Wasaaradda Biyaha Suudaan oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in wadahadalada lagu xalinayo muranka Webiga Nile ay dib u bilowdeen, iyaddoo ay garwadeen ka tahay Koonfur Afrika.

South Africa ayaa haatan ah shir gudoonka ururka Midowga Afrika oo soo farageliyey xaalada markii ay kasii dartay xiisada ka dhalatay dhismaha biyo xireenka oo qarka u saartay dagaal dowladaha Masar iyo Itoobiya.

"Wadaxaajoodyadda la xiriira buuxinta biyo xireenka webiga Nile ee u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa dib u bilowday galabnimadii iyaddoo la adeegsanayo habka maqal aragga ah," ayay wasaaradu tiri Jimcadii.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay dhinacyadda ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda si loo helo xal kama dambeys ah.

Masar iyo Sudan ayaa wajahaya cadaadis ku saabsan in ay heshiis la gaaraan Ethiopia oo dhankeeda kasoo dabacdey mowqifkeeda ahaa in aysan dib u dhigi doonin buuxinta biyaha oo asbuucyada soo aadan u qorsheysay.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii uu burburay dedaalo Mareykanka hormuud ka ahaa oo la doonayey in lagu xaliyo muranka biyo xireenka.

Itoobiya ayaa u aragta biyo xireenka mid muhiim u ah horumarkeeda dhanka Tamarta, Masar waxay ku doodeysaa in uu halis ku yahay wax soo saarkeeda, halka Sudan ay sheegtay in uu wiiqayo saamigeeda biyaha webiga Nile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM