Suudaan oo askar horleh ku daabushay xadka Itoobiya

Image
Ciidanku waxa ay fariin nasasho ah u direen muwaadiniinta, iyaga oo u sheegay in ay si fiican u seexdaan.

KHARTUUM, Sudan – Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa askar badan soo dhoobay xadka lagu muransan yahay ee Itoobiya, sida ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah.

Talaabaddan ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan milatarigu ku dhawaaqay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta gobolka xilli ay xiisad ka taagan tahay Addis Ababa.

Ciidanku waxa ay fariin nasasho ah u direen muwaadiniinta, iyaga oo u sheegay in ay si fiican u seexdaan.

Sudan ayaa 1-dii December ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay burburiyeen deegaan ay daganayeen ciidamada Itoobiya ayna la wareegeen kadib markii ay madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada dariska la ah deegaanka al-Fashaga ee lagu muransan yahay.

Dhawaqaas wuxuu daba socday warbixino sheegaya in 21 askari oo Suudaani ah lagu dilay 30 kalena lagu dhaawacay dagaal ciidamada Itoobiya kula galeen Birkat Nuurain ee deegaanka lagu muransan yahay afar maalmood ka hor.

Isku dhacyada soo cusboonaaday ayaa sababay in taliyaha militariga Sudan, Lt Gen Abdel-Fattah al-Burhan, uu wacad ku maro in dalkiisu uusan “hal taako” ku wareejin doonin Itoobiya.

Ethiopia ayaa haatan wajahaya qalalaase dhexdeeda ah iyadda oo gobolka Tigray uu xudun-u-yahay colaadda sokeeye in ka badan muddo sanad ah mana muuqato ifafaalo xal nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM