Suudaan oo go'aan cusub kasoo saartay isticmaalka Khamrada

Image

KHARTUUM, Sudan – Dowladda Suudaan ayaa waxay meelmarisay sharci u ogolaanaya Masiixiyiinta in ay gudaha dalkaas ku cabaan Khamriga, sidda uu shaaciyey Wasiirka Cadaaladda, Nasur Aldin Abdul Bari.

Xeerkaan ayaa waxaa la ansixiyey asbuucii lasoo dhaafay, balse waa markii ugu horeysay oo dowladda ay fagaare kusoo bandhigto.

Tani ayaa waxay soo afjareysaaa muddo dhan 30-sano ah oo mamnuuc ay ka ahayd waddankaas in lagu dhex isticmaalo Khamriga.

"Waxaan meesha ka saari doonaa dhamaan shuruucda xadgudubka ku ah xuquuqda aadanaha gudaha Suudaan," ayuu Nasur Aldin ku yiri wareysi uu siiyey telefishinka ku hadla afka dowladda Suudaan.

Diinta Islaamka ayaa waxay mamnuuceysa ka ganacsiga iyo isticmaalka Khamriga, oo dhibaatooyin caafimaad u keenaya qofka.

Dhanka kale, xukuumadda Khartuum ayaa waxay gabi ahaanba waxay mamnuucday gudniinka fircooniga oo aad ugu badnaa dalkaas.

Isbedeladan ayaa dhacaya kadib markii la riday Cumar Xasan Al-Bashiir oo dalkaas xukumayey muddo 30-sano ah. Xubnaha dowladda hadda jirta, waxay isugu jiraan kooxo kala duwan oo ololahaas hormuud u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM