Suudaan oo hakisay la macaamilka urur goboleedka IGAD

Image
Suudaan ayaa ku wargelisay Djibouti diidmada martiqaadka hoggaamiyaha maleeshiyada RSF.

Khartoum (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay la macaamilka urur goboleedka IGAD, waxayna ku eedeeysay in uu ku xadgudubay madax-banaanida Suudaan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay timid ka dib casuumaad uu ururka IGAD u fidiyay taliyaha ciidammada taageerada degdegga ah, Hamdan Dagalo, si uu uga qaybgalo shir madaxeed ka dhacaya Uganda.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeedkeeda Talaadadii ku sheegtay inay ku wargelisay Djibouti, oo haya xilka madaxtinimo ee IGAD, diidmada martiqaadka hoggaamiyaha maleeshiyada,.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Suudaan waxay u aragtay tallaabadaasi xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanideeda, Axdiga IGAD, iyo xeerarka u degsan ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka”.

Dagaalka u dhexeeyey ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada degdega ah ayaa bilawday bishii April 2023kii, ka dib todobaadyo ay labada dhinac u dhaxaysay xurguf ka dhalatay is afgaranwaa ka dhashay qorshaha la doonayo in ciidamada Taageerada degdega ah lagu biiriyo ciidamada militariga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM