Dayax-gacmeedkii ugu horeeyay ee Suudaan oo hawada loo diray

Image

KHARTUUM, Suudaan – Dayax-gacmeedkii ugu horeeyay ee Suudaan ay u direyso cilmi baaris la xiriirta milatariga, dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda hawada ayaa waxaa gannay Shiinaha.

Golaha maamulaya dalkaas dhaca qaaradda Afrika ayaa si rasmi ah wuxuu ugu dhawaaqay warkan.

Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, madaxa golaha madaxa banaan, ayaa Talaadadii tilmaamay in dayax-gacmeedka lagu diray kulan ka qabsoomay magaaladda caasimada ah ee Khartuum.

Sidda laga soo xigtay al-Burhan, shirkaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha ugu sareysa hay'addaha ammaanka.

"Ujeedka dayax-gacmeeda waa horumarinta Tiknoolajiyadda hawada, helitaanka xog si lamid ah wax soo saarka kheyraadka ee uu milatariga u baahan yahay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Xinhua, wakaaladda wararka ee China, ayaa xustay in dayax-gacmeedka Sudan Remote Sensing Satellite [SRSS-1] laga gannay Axadii gobolka ku yaala waqoyga Shiinaha ee Shanxi.

Afhayeen u hadlay Golaha talada haya, Mohamed al-Faki, ayaa u sheegay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP, "in muddo bilo gudahooda ah laga soo maamuli doono Suudaan".

"Shiinaha wuxuu u gannay dayax-gacmeedka maadaama uu qayb ka yahay mashruucan," ayuu raaciyey.

Suudaan, dal la diriraya dhaqaalo burbur, ayaa sanadihii u dambeeyay ajandeyaashiisa ugu horeeya waxaa kamid ahaa dhaqdhaqaaqyada la xiriira hawada iyo macluumaadka bariga.

2013-kii, dowladdii Suudaan ee uu hogaaminayey madaxweyne Cumar Al-Bashiir, ayaa sameysay Machadka Daraasaadka Culuumka Hawada, taas oo qayb ka ah horumarinta Tiknoolajiyadda.

Al-Bashiir oo ay milatariga xukunka ka tuureen bishii April kadib mudaaharaadyo ka dhashay sarre u kaca maciishada kuwaas oo dalka ruxay ayaa hadda xabsi ugu jira eedeymo musuqmaasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM