Suudaan oo u goodisay Itoobiya kadib "askar" ido "shacab"

Image
Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinata Itoobiya oo aan ka jawaabin codsi loo diray.

KHARTUUM, Sudan - Milateriga Suudaan ayaa Axadii shalay ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay toogasho ku dileen toddobo askari oo Suudaani ah iyo qof rayid ah oo maxaabiis ahaan loo haystay.

War qoraal ah oo ay soo saareen militariga Suudaan Axadii, ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidanka Itoobiya in ay shacabka u soo bandhigeen meydadka dadkii la toogtay, waxayna balan qaadeen in ay jiri doonto “jawaab ku haboon”.

Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinata Itoobiya oo aan ka jawaabin codsi loo diray kaasoo ku saabsanaa in ay faallo ka dhiibtaan eedeymaha. culus ee loo jeediyey.

"Falkan khiyaanada leh maka soo gudbi doono jawaab la'aan," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka soo si weyn loogu faafiyey warbaahinta bulshadda iyo kan rasmiga ah ee dowladda Suudaan.

Xiisadda u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya ayaa sare u kacday sannadihii u dambeeyay, sababtoo ah qulqulka colaadda ee waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya iyo dhismaha biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Blue Nile.

Masar ayaa kula safan Suudaan xiisadda wabiga Nile taasoo si weyn looga cabsi qabo in ay isku badasho dagaal toos ah oo haddii uu dhaco si weyn u saameyn doona gobolka oo dhan.

Tobanaan kun oo qaxoonti ah ayaa u qaxay bariga Suudaan, waxaana dagaal millatari ka dhacay dhul beereedka lagu muransan yahay ee ku yaalla xadka u dhexeeya dalalka Suudaan iyo Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM