Suudaan: Qarax ka dhacay xaflad aroos oo khasaaro culus sababay

Image

KHARTUUM, Sudan – Shan qof ayaa ku dhimatay markii xaflad aroos oo ka socotay Suudaan uu ka dhacay qarax, sidda u sheegay booliska.

Sidda ku xusan warbixinta bileyska, qaraxa ayaa ka dhashay bam uu qarxiyey askari ka tirsan laamaha ammaanka.

Ma cadda hadii qarxinta ay ahayd ku talagalay ama mid shil ah. Saraakiisha waxay ku adkeysteen in baaritaan uu socdo.

Munaasabadda ayaa ka socotay degmada caanka ah ee Xaaji Yuusuf oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in 40 kale oo kamid ahaa martida ay ku dhaawacmeen falkaas.

Bukaanada oo badankooda ah dad waaweyn ayaa qaarkood laga dayrinayaan xaaladooda caafimaad, sidda ku cad warbixinta booliska.

Sikastaba ha ahataee, xasiloonida Khartuum ayaa ahayd mid aan cago badan ku taagneyn tan iyo markii la afgembiyey Cumar Xasan Al Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM