Tafaasiisha la xiriirta Somalia ee ganacsadaha lagu dilay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ganacsadihii Soomaali-Ameerikaanka ah ee dhowaan sidda foosha xun loogu dilay dalka Kenya, Bashiir Maxamed Maxamuud, ayaa shirkad uu leeyahay waxay maamuleysay mashruuca dhismaha xabsi kaasoo laga dhisayo Soomaaliya, sida ay Arbacada maanta ah warisay saxaafada maxaliga.

Sida uu daabacay wargeyska The Standard, dhismaha jeelka oo haatan soconaya ayaa waxaa loo qoondeeyay aduun lacageed dhan 1.8 bilyan oo lacagta Kenya ah – taasoo u dhiganta $16,713,091.80 oo doolarka Mareykanka ah.

Warbixinta oo lagu soo xigtay mas’uul sare kana tirsan shirkadda Infinity Developers Limited oo mashruuca maamuleysay ayaan lagu soo bandhigin fahfaahin ku saabsan goobta laga dhisayo xabsiga, cidda siisay mashruuca iyo goorta la bilaabay.

Tafaasiishan ayaa soo ifbaxeysay iyaddoo wargeyska The Star uu shalay baahiyey in ganacsadaha uu sidoo kale xiriir ganacsi iyo isu-gudbinta malaayiin la lahaa dowladda Soomaaliya.

"Iyaddoo geerida aan lala xiriirin karin qadiyadda lacagta, waxaa jiray dareen ah inuu lacag geeyo magaalada Muqdisho, oo farsamo ahaan dagaal kula jirta Kenya. Waxay ahayd walaac," ayuu tibaaxay sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin sheegashooyinkan soo ifbaxay maalmihii lasoo dhaafay. Balse, warsidaha Garowe Online wuxuu fahansan yahay in dayactir ballaaran ay ku socoto xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Waa kuma Bashiir Maxamed?

Balse, mareegga GO ayaa ku howlan xaqiijinta in mashruuca dayactirka ay qaadatay shirkadda marxuum Bashiir kaasoo qoyskiisu beeniyeen in uu xiriir la leeyahay kooxo argagixiso.

Bashiir oo 36 jir ah waa Injineer Soomaali-Mareykan ah oo xagga dhismaha ka shaqeeya. Waxaa la sheegay inuu kamid yahay qandaraasleyaasha mashruuc ay dowladu Kenya ka fulisay Kisumu sanadkii lasoo dhaafay.

Saaxiibbadiis ayaa laga soo xigtay in ay sheegeen in shirkadiisa ay ka shaqeysay arrimaha; dhismaha guriyaha, kireyntooda iyo naqshadeynta guryaha.

Wuxuu deganaa Gobolka Ohio ee waddanka Mareykanka. Majalada The Star ayaa xustey in Bashiir uu la noolaa xaaskiisa iyo caruurtiisa. Wuxuu asal ahaan kasoo jeeday magaalada Belad-Xaawo, gobola Gedo ee Soomaaliya ka hor inta uusan u guurin Mareykanka.

Mas'uuliyiinta dalka Kenya ayaa, sida ku xusan warbixinta Jariiradda, waxay daaha ka rogeen inuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ku lugta lahaa ismari-waaga siyaasadeed ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya kaasoo salka ku haya doorashooyina dib-u-dhaca uu ku yimid hase ahaatee ay u badan tahay in todobaadkan lasoo afjaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto: Muxuu Kaga Falceliyey Qof Kab Kaga Tuuray Goob uu Ka Hadlayey?

Hoggaamiyaha dhalinyarada Migori, Byron Oginga, ayaa isna sheegay in Madaxweynaha…

  • Afrika

    04-05-2025

  • 11:05PM

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM