Tahriibeyaal ay Soomaali ku jiraan oo lagu weeraray Tuniisiya

Image
Haween iyo carruur ayaa lagu waramay in ay kamid ahaayeen dadka la beegsaday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tahriibayaal ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa lagu weeraray magaalada Sfax ee dalka Tunisia, iyadoo la sheegay in tobaneeyo qof lagu dhaawacay.

Rabshadaha ayaa ka dhashay dilka nin u dhashay Tuniisiya maalintii Isniinta oo ay isku dhaceen dhowr tahriibayaal ah.

Koox aan dowli ahayn ayaa sheegtay in qaar ka mid ah muhaajiriinta laga soo tuuray balakoonnada, kuwa kalena lagu weeraray seefo ayna falalkan yihiin weerarro aargoosi ah.

Haween iyo carruur ayaa ka mid ahaa dadka la beegsaday. Xogta qaar ayaa caddeyneysa in tahriibeyaashan ay ku jiraan qaar Soomaali ah.

Goob joogayaal ayaa tibaaxay in tobaneeyo qof lagu qasbay in ay ka baxaan magaalada, taas oo ah marin muhiim ah oo ay ka dhoofaan dadka doonaya in ay galaan Midowga Yurub iyaga oo u sii socdaalaya jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya iyo Jabuuti oo Xoojinaya Iskaashiga Milatari si looga Hortago Khataraha Gobolka Geeska Afrika

Janaraal Teshome ayaa martida Jabuuti ku soo dhaweeyey si kal iyo laab ah, isagoo tilmaamay in Itoobiya iyo Jabuuti...

  • Afrika

    30-07-2025

  • 06:46AM

Alassane Ouattara oo shaaciyey inuu mar afaraad u taagan yahay doorashada Ivory Coast

Ouattara oo 83 sano jir ah ayaa sheegay in caafimaadkiisa iyo dastuurka dalka ay u oggol yihiin inuu xilka sii hayo.

  • Afrika

    30-07-2025

  • 05:22AM