Taliyahii ciidanka Liyuu Boolis oo shaqadda laga eryay

Image

JiGJIGA- Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaaliya ee xubinta ka ah dowladda Federaalka Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa wuxuu shaqadda uu ka eryay Taliyahii ciidanka Liyuu Boolis, Janaraal Cabdiraxmaan Laba-Go’lle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwayne Cagjar ayaa waxaa uu hogaan cusub ugu magacaabey ciidamadda Liyuu Boolis loogu magacaabay Maxamed Cabdi Mawasar.

Xil ka qaadista taliyahaan ayaa imaaneysa xilli horey Barlamanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya 7 qof uga qaadey xasaanada kuwasoo la damacsan yahay in lagu soo oogo dambiyo xadgudibyo ah.

Talaabaddaan uu qaaday Madaxwaynaha cusub ee DDSI ayaa kusoo beegmaysa xili dhowaan uu la kulmay hogaanka Liyuu Boolis, kadib markii meel-mariyeen xubnaha sharci dejinta ee degaanka, lana dhaariyay.

Cagjar ayaa horey u balanqaaday inuu isbedal wayn ku sameyn doono siyaasadda iyo arrimo badan oo degaanka Soomaalida Itoobiya ka jira, isaga oo qiray inay dhaceen dhibaatooyin dad badan galaaftay intii uu jiray nidaamkii Cabdi Illay.

Madaxweynaha cusub ayaa xilkaan qabtey xilli ay dhinaca kale jiraan dagaalo ka dhexeeya qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida kuwasoo galaaftey nolosha Dad badan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM