Taliyihii awooda badnaa ee Ciidamadda Algeria oo geeriyooday

Image

ALGIERES, Algeria – Taliyihii ciidamada Algeria, Jeneraal Axmed Gaid Saalax, ayaa maanta dhintay, sidda uu baahiyey Tv-ga qaranka.

Idaacadda dowladda ayaa sheegtay in Jeneraalka uu ku dhintay Isbitaal ciidan oo ku yaala caasimada kadib xanuun wadnaha ah.

Saalax, oo 79-sano jir ahaa, ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiisha ugu awooda badan ee Ciidanka Qalabka Sidda ee waddankaas.

Cabdicasisi Bouteflika, madaxweynihii hore ee Algeria, kaasoo bishii April ee sanadkan isu casilay banaanbaxyo, ayuu lasoo shaqeeyay.

Waa kuma Jeneraal Saalax?

Bishii Janaayo, 13-keeda, sanadkii 1940-kii ayuu ku dhashay tuulo ka tirsan gobolka dhaca bariga Algeria ee lagu magacaabo Batna.

Halgankii Algeria la gashay gumeystihii Faransiiska intii u dhaxeysay November 1, 1954 and March 19, 1962 ayuu qayb ka ahaa.

Markii Algeria dib u heshay xorriyadeeda, wuxuu kusii jiray ciidamadda, isagoo 1993 loo dalac-siiyey darajadda Sareeye Guuto.

Sanadkii 1994-tii, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamadda Lugta, waana intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Algeria.

Kadib doorashadii madaxtooyadda ee 2004-tii, Jeneraal Saalax ayaa waxaa loo xushay in uu noqdo Taliyaha guud ee Ciidamadda Qalabka Sidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM