Tanzania: In ka badan 63 qof oo ku nafwaayay daadad soo rogmaday

Image
Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay.

NAIROBI, Kenya - Tirada dadka ku nafwaayay fatahaadaha iyo dhul go’a ee waqooyiga Tanzania ayaa gaartay 63 qof, sidda laga soo xigtay warbixinta warbaahinta maxaliga ah.

Si wax looga qabto saameynta roobabka mahiigaanka ah, madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa soo gaabineysa ka qeyb galka shirka cimilada COP28 ee ka dhacaya magaalada Dubai.

Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay. Fatahaadyadda waxay kamid yihiin cawaaqibka ka dhashay isbadalka cimiladda.

Daadad baaxad leh ayaa ku soo rogmanaya waddamo ku yaalla bariga Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya, iyadoo ay qayb ka tahay dhacdada cimilada El Nino.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in 400 oo shaqaale samatabbixin ah loo diray degmada Hanang ee waqooyiga dalkaasi si ay qeyb uga noqdaan dadaaladda naf-badbaadinta.

Si kastaba ha ahaatee, samatabbixiyeyaashu waxay ku shaqeynayaan xaalado adag, sida isgaarsiinta cilladaysan iyo jidad go'ay, burburay, sidda uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM