Telefoonkii ugu horeeyay ee Afrika lagu sameeyay oo lasoo bandhigay

Image

KIGALI, Rwanda – Dalka Rwanda ayaa waxaa lagu soo bandhigay telefoonkii ugu horeeyay ee nooca caaqilka ah ee lagu sameeyay qaaradda Afrika.

Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee Mara Group ayaa fulisay mashruucaan, taas oo si rasmi ah ugu dhawaaqday bishii hore ee October.

Mashruucaan ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay si meesha looga saaro telefoonada ay sameeyaan shirkaddaha reer China iyo Kuuriyadda Koonfureed.

Maamulka ayaa tilmaamay in ay illaa iyo haatan soo saareen 34-kun oo xabo, kuwaas oo suuq-geyn badan loo sameyn doono.

Kalyeentiyadii ugu horeeyay ee iibsaday telefoonka ayaa aad u ammaanay, waxayna sheegeen in uu leeyahay wax walba oo loo baahnaa.

"Afrika waa in ay heshaa wax walba oo qaaradda lagu farsameeyay," sidaas waxaa VOA-da u sheegay Samson Adotey, oo macaamiil ah.

Eddy Sebera, oo agaasinka maamulka ka tirsan, ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee hortaala ay tahay sidii ay uga adkaan lahaayeen shirkadaha kale.

"Dadka waxay la qabsadeen telefoonada ay sameeyaan Shiinaha iyo Kuuriyaanka, sidaasi awadeed waa caqabad in aan suuq fiican lehno," ayuu tibaaxay.

Telefoonka lasoo saarey oo ay u dhameystiran yihiin adeegyadiisa ayaa waxaa la filayaa in lagu faafiyo guud ahaan qaaradda.

"Sidoo kale, waxaa qabad nagu ah in aan helno adagabyadda sahleysa in la sameeyo telefoonadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Eddy Sebera

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM