Teodore Obiang: Madaxweyne 80 jir ah oo markii 6-aad tartamaya

Image
Ma jirto ma uu doorasho galay oo uu ku guuleystay wax ka yar codad dhan boqolkiiba 93%. 

MALABO, Equatorial Guinea - Waa 80 jir, 43 sano ayuu Madaxweyne kasoo ahaa dalkiisa, markii lixaad ayuu isu soo taagayaa xilka madaxtinimada dalkiisa. 

Waa Teodore Obiang, madaxweynaha Aquatorial Guine , waxaana ansixiyay xisbigiisa oo ah kan keliya ee ka jira nidaamka lagu tilmaamo xisbiyada badan ee dalkaasi. 

Wuxuu xisbiga haystaa 90% kuraasta Baarlamaanka. 

Afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay in Me Teodore loo doortay maadaamaa uu yahay nin qibrad badan, shaqadana kasoo dhalaali kara. 

Ma jirto ma uu doorasho galay oo uu ku guuleystay wax ka yar codad dhan boqolkiiba 93%. 

Waxaa lagu eedeeyaa musuq, xariga mucaaradka, doorashada oo la boobo iyo waxyaabo kale. 

Waa dal aad ugu tiirsan shidaalka iyo gaaska, iyada oo lacagta kasoo baxda ay jeebka u gasho in yar, dadka intiisa kalena ay faqri ku noolyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM