Tirada dhimashada colaada Suudaan oo kor-u-dhaaftay 2,000 qof

Image
Tan iyo 15-kii Abriil, caasimada Khartuum ayaa martigelisay dagaal qarka u saaran in uu noqdo mid sokeeye.

KHARTUUM, Suudaan - Tiradda dhimashadda dagaalka ba'an ee Suudaan ayaa kor-u-dhaaftay 2,000 qof iyadoo isku dhacyada hubeysan ee ka socda dalka oo dhan ay galeen bishii saddexaad oo xiriir ah.

Tan iyo 15-kii Abriil, ciidanka caadiga ah ee uu hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhaan ayaa dagaal ku jira xoogaga RSF oo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisii ​​hore Maxamed Xamdaan Daglo.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka saaray guryahoodii 2.2 milyan oo qof, oo ay ku jiraan 528,000 oo u qaxay dalalka dariska ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

"Waa wixii ugu xumaa ee abid aan rajeeyo, dagaalkan oo sii socon doona," ayuu yiri Mohamad al-Hassan Othman, oo ka mid ah in ka badan hal milyan oo rayid ah oo ka qaxay Khartuum.

Qaar badan oo ka mid ah barokacayaasha ayaa waayay dad ay jeclaayeen, iyo sidoo kale "dhammaan agabkooda iyo noloshooda," ayay tiri Anja Wolz oo ka tirsan kooxda gargaarka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn.

Dhanka kale, gobolka Darfur oo caan ku ah dagaalo sokeeye mudadii uu xukunka hayey Cumar Al Bashiir ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxaa soo ifbaxdey in uu noqdey mid kamid ah furimaha dagaalka.

Guryo iyo suuqyo ayaa la gubay, isbitaallo iyo xarumo gargaar ayaa la bililiqeystay; in ka badan 149,000 oo qof ayaa u qaxay dalka jaarka ah ee Chad taas oo dhalisay musiibo bini'aadanimo oo degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM