Tirada dhimashada colaada Suudaan oo kor-u-dhaaftay 2,000 qof

Image
Tan iyo 15-kii Abriil, caasimada Khartuum ayaa martigelisay dagaal qarka u saaran in uu noqdo mid sokeeye.

KHARTUUM, Suudaan - Tiradda dhimashadda dagaalka ba'an ee Suudaan ayaa kor-u-dhaaftay 2,000 qof iyadoo isku dhacyada hubeysan ee ka socda dalka oo dhan ay galeen bishii saddexaad oo xiriir ah.

Tan iyo 15-kii Abriil, ciidanka caadiga ah ee uu hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhaan ayaa dagaal ku jira xoogaga RSF oo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisii ​​hore Maxamed Xamdaan Daglo.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka saaray guryahoodii 2.2 milyan oo qof, oo ay ku jiraan 528,000 oo u qaxay dalalka dariska ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

"Waa wixii ugu xumaa ee abid aan rajeeyo, dagaalkan oo sii socon doona," ayuu yiri Mohamad al-Hassan Othman, oo ka mid ah in ka badan hal milyan oo rayid ah oo ka qaxay Khartuum.

Qaar badan oo ka mid ah barokacayaasha ayaa waayay dad ay jeclaayeen, iyo sidoo kale "dhammaan agabkooda iyo noloshooda," ayay tiri Anja Wolz oo ka tirsan kooxda gargaarka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn.

Dhanka kale, gobolka Darfur oo caan ku ah dagaalo sokeeye mudadii uu xukunka hayey Cumar Al Bashiir ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxaa soo ifbaxdey in uu noqdey mid kamid ah furimaha dagaalka.

Guryo iyo suuqyo ayaa la gubay, isbitaallo iyo xarumo gargaar ayaa la bililiqeystay; in ka badan 149,000 oo qof ayaa u qaxay dalka jaarka ah ee Chad taas oo dhalisay musiibo bini'aadanimo oo degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM