Tiradda dhimashada shilka baabuur ee Kenya oo korortey

Image
Dhacdadan ayaa ahayd mid kamid ah shilalkii ugu geerida badnaa sanadihii ugu dambeeyay.

NAIROBI, Kenya - Dhimashada shil baabuur oo ka dhacay galbeedka Kenya ayaa kor u dhaaftay 52 qof Sabtidii iyadoo samatabbixiyeyaashu ay ku hawlanaayeen nadiifinta burburka halkaas oo laga cabsi qabo in dhibanayaal badan ay ku xayiran yihiin, sidda saxafada gudaha warisay.

Mid ka mid ah shilalki ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Kenya ayaa yimid markii la xakameyn waayay gaari siday ShixnadKunteenar ah, wuxuuna jiiray gaadiid kale oo badan iyo dad ku sugnaa Isgooyska mashquulka badan ee Jimcihii.

"Dhimashada ayaa gaartay 52 ka dib markii saddex qof oo kale ay ku dhinteen dhaawacyadooda isbitaalka," ayuu yiri taliyaha booliiska deegaanka Geoffrey Mayek.

Wasiirka gaadiidka Kipchumba Murkomen ayaa warbaahinta u sheegay mar uu booqasho ku tagay goobta ay musiibada ka dhacday iyo in la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay.

Mayek oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu caddeeyay in ilaa 30 qof ay ku dhaawacmeen shilka ka dhacay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Kericho iyo Nakuru.

“Soddon qof ayaa dhaawacyo halis ah soo gaareen, waxaana loola cararay isbitaallo kala duwan. Tiraddu way ka badan kartaa laakiin hadda waxaan hubnaa ilaa 30 ruux, "Mayek ayaa yidhi.

Tirada dhimashada ayaa ka dhigeysa shilkan mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca waddooyinka Kenya sanadihii u dambeeyay. Sannadkii hore, 34 qof ayaa ku dhintay bartamaha Kenya markii baskii ay la socdeen uu ka baxay buundada oo uu ku dhacay dooxa webiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM