Tobanaan lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaadey kolanyo

Image
Ku dhowaad 50 qof ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen falkan lala xiriirinayo kooxo mitidiin ah.

NIAORBI, Kenya - 11-askari ayaa meydkooda la helay, ku dhawaad ​​50-qof oo rayid ahna waa la la’yahay kadib weerar ay xoogaga Islaamiyiinta ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo sahay u waday magaalo ku taal waqooyiga dalka Burkina Faso Isniintii, sidda ay sheegtay dowladda Talaadadii.

28 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka oo ay ku jiraan 20 askari, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka xukuumadda Lionel Bilgo. Ciidanka ayaa bayaan hore ku sheegay in tobaneeyo baabuur oo kuwa xamuulka ah la burburiyay.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Gaskinde ee gobolka Soum, halkaas oo mitidiinta xiriirka la leh Al-Qaacida iyo dowladda Islaamiga ay kordhiyeen weerarada iyo qabsashada dhulka tan iyo sanadkii 2015-kii.

Maleeshiyada ayaa go’doomiyay goobo dhowr ah, sidaas darteed kolonyada ciidamada dowladda iyo kuwa cirka ayaa waxa ay gaarsiiyeen alaabo muhiim ah oo ay gaarsiiyeen dadka rayidka ah.

Kolanyada oo ay galbinayeen ciidamada ayaa sahay u rarnaa magaalada Djibo oo 20 KM u jirta magaalada Gaskiinde, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa ku soo badanayay gobolka Sahel ee galbeedka Afrika amni darrada ka jirta dalka Maali oo ay ku faafeen kooxaha islaamiyiinta ah.

Kumanaan qof ayaa la dilay in ka badan laba milyanna waa ay barakaceen inkastoo ay joogaan ciidamo shisheeye iyo kuwa nabad ilaalinta Qaramada Midoobay. Ciidamaddan ayaa ku guuldareystay in ay xal u helaan qulqulatooyinkan waxaana ka dhashay kacdoon dadwayne.

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM