Tobanaan qof oo loo karantiilay caabuqa faafa oo baxsaday

Image

NAIROBI, Kenya – Tirro aan la cayimin oo dad ah waxaa lagu waramay in ay ka baxsadeen xarun karantiil oo ku taala caasimadda Kenya ee Nairobi. Ma cadda sababta keentay in ay talaabadaas ku dhaqaaqaan.

Koleejka Tababarka Caafimaad ee Kenya waxaa lagu go'doomiyey in ka badan 200 qof kuwaas oo lagu tuhmay fayruska Corona.

Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in sababta keentay in dadkaas ay baxsadaan ay tahay qiimaha ku baxda nolol maalmoodka inta ay ku jiraan karantiilka oo qaali ah. Guud ahaan, waa $18.

Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya dadka uu ka boodaya darbiga. Falkaas ayay sameeyeen xili ay saf ugu jireen cunto.

"Waxay u muuqaneysaa in ay ka faa'iideysteen iyaddoo laamaha ammaanka ay badankooda quraac ku maqan yihiin iyo roobka da'ay," ayaa lagu yiri warbixin arrintaan ku sabasan oo lagu daabacay Daily Nation.

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in ay la socoto baxsashadda shaqsiyaadkaas ayaa ku adkeystay in ay siddii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd, wallow ay ka gaabsatay tiradda guud ahaan.

Sikastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa soo if-baxeysa xilli dhaleeceymo loo jeedinayey goobaha karantiilka ee Kenya. Cabashadda waxay ku saabsaneyd nadaafadda, hab-dhaqanka saraakiisha iyo nolosha.

Kiisaska Covid-19 ee laga xaqiijiyey Kenya ayaa illaa iyo haatan gaaraya 303, intaas waxaa wehlisa 14 dhimasho ah, si lamid ah 83 qof oo bogsootay. Wadarta dadka laga baarey waxay ka badan tahay 15-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khalifa Haftar iyo Wakiilka QM ee Libya oo Ka Wadahadlay Qorshe Siyaasadeed Cusub

Libya ayaa qaran bur bur ku dhacay markii la riday dowladdii Qadaafi 2011, iyadoo dalka noqdey marinka Yurub.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 08:35AM

Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Joojiyay Heshiiskii Badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Itoobiya ayaa dooneysay inay hesho 20 kiiloomitir oo dhul ah si ay ugu samaysato saldhig ciidan iyo dekad ay ku xirto.

  • Afrika

    07-09-2025

  • 12:56PM