Toogasho ka dhacday Jabuuti iyo wararkii ugu dambeeyay
JABUUTI - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho dhimasho sababtay oo ka dhacday gudaha dalka Jabuuti, taasoo lagu beegsaday muwaadiniin u dhashay wadanka Itoobiya, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.
Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa ku warameysa in dadka Itoobiyaanka ah ee la dilay tiradooda ay gaareyso Lix qof, kuwaasoo lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday caasimadda dalka Jabuuti.
Ma cadda sababta iyo cidda ka dambeysay dilkaan, balse, waxaa uu kusoo beegmayaa maalmo uun kadib markii gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya lagu toogtay dad Jabuutiyaan ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa si kulul loogu cambaareeyay falkaas lagu beegsaday dadka Jabuutiyaanka ee ku noolaa DDSI, isagoo ku tilmaamay dilka mid "axmaqnimo".
Balse, laamaha amaanka ee dowladda Jabuuti wali dhinacooda wax war ah kama aysan soo saarin falkaan lagu khaarijjiyay Muwaadiniinta u dhashay wadanka ugu dad badan Geeska Afrika ee Itoobiya.
Saraakiil ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Jabuuti oo xaqiijiyay dhimashada dadkaan Itoobiyaanka ah ayaa tilmaamay inay dhowaan soo bandhigi doonan magacyadda, qowmiyadda ay kasoo jeedaan iyo sawiradda dadka toogashadda ku dhintay.
Xiisadda ka taagan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo ka dhalatay markii Milariga Federaalka Itoobiya qabsadeen magaaladda Jigjiga ayaa hadda u muuqata mid kusii fidaysay dalalka Gobolka.
Gudaha Soomaaliya, gaara ahaan Magaaladda Boosaaso waxaa todobaadyadii udambeeyay lasoo wariyay in ku dhowaad Afar qof oo Itoobiyaan ah, gaara ahaan Qowmiyadda Oromada lagu dilay halkaas.
Maamulka gobolka iyo kan degmadda ayaa shaaca ka qaaday in ay baaritaan ay ku sameyn doonan falalkaas, waxayna ugu baaqeen shacabka in aysan beegsan dadka Itoobiyaanka ah ee gudaha Magaalada ku nool.
GAROWE ONLINE