Toogasho oo ka dhex-dhacday xarunta hay’adda tirakoobka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Is-maandhaaf soo kala dhex-galay askar ka tirsan booliska federaalka Itoobiya ayaa sababay toogasho ka dhex-dhacday dhismaha Xarunta Dhexe ee Hay’adda Tirokoobka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in askarta ay ilaalo ka haysay tablets-ka yaalo halkaas, looguna daabulay xaruntaasi tirokoobka guud ee la filayo in laga sameeyo guud ahaan dalkaas.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa waxay ku naf-waysay shaqaaqadaasi, iyadda oo la sheegay in xabsi la dhigay askarigii falka ka dambeeyay.

Bishii June ee sanadkan, barlamaanka Itoobiya ayaa markii labaad dib-u-dhigay tirokoobka qaran markii, isagoo cus-kanaya arrimo la xiriira ammaanka.

Falanqeeyayaasha, si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku adkeeyeen in tallaabadaasi ay wax u dhimeyso coddeynta 2020, taasi oo ah doorashadii ugu horreysay ee uu qabto Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed.

Itoobiya ayaa lagu wadaa in sanadka soo socda ay ka qabsoonto codbixin muhiim u ah dimoqraadiyadda dalkaasi iyo tirakoob heer qaran ah oo horey dib loo dhigay 2017.

Laakiin, Xildhibaanada baarlamaanka labada aqal ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in dib loo dhigo tirakoobka mar kale sanad, sababtuna tahay rabshadaha qowmiyadaha oo kor u kacay.

Sikastaba ha ahaatee, doorashooyinka heer degmo ee ka qabsoomi lahaa caasimada Addis Ababa iyo Dire Dawa, ayaa waxaa dib loo dhigay usbuucii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM