TPLF oo hubkii ugu cuslaa ay haysatay u adeegsatay colaada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xoogaga TPLF ayaa waxaa lagu waramay in ay Jimcadii weerareen goobo ay kamid yihiin garoomo diyaaradeed kuna yaala ismaamul goboleedka ay deriska yihiin ee Amxaarada.

Dowladda Itoobiya oo xaqiijisay weeraradaas ayaa sheegtay in falaagada ay adeegsatay "hubkii ugu cuslaa oo ay haysatay".

Hay'adda xukuumadda Addis Ababa u qaabilsan hubinta xaqiiqooyinka deg-deg ah ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey waxay ku caddeysay in hubkaas ay TPLF adeegsatay uu ahaa Gantoolo dhowr xabo ah.

Sidda laga soo xigtay qoraalkaas ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, burbur ayaa soo gaarey goobaha la beegsaday oo ay kamid yihiin madaaradda Baahir Dar iyo Gondar.

"Jeegaanta TPLF waxay dayactireysaa oo ay ka faa'iideysaneysaa hubkii ugu dambeeyay ee keydka ugu jiray," ayay tiri hay'adda.

Bayaanka aan daliisha waddan ayaa waxaa la raaciyey: "Tani waxay tilmaameysaa isku-dayadii ugu dambeeyay ee TPLF ku dooneyso in ay kusii jirto. Fahfaahinta dhacdooyinkan waa mid ay baaris ku socoto. Macluumaadka waxaa loosoo bandhigi doonaa sidda ay u kala horeeyaan".

Dhanka kale, warbaahinta ku hadasha afka gobolka ay TPLF ka arimiso ee Tigray ayaa guulo ka sheegatay weerarkaas ay qaadeen.

Waqoyga Itoobiya waxaa in ka badan muddo todobaad ah ka oogan colaad ka dhalatay is-qabqabsi siyaasadeed iyo mid doorasho. Wallow uu khasaaro labada dhinac jiro, wali lama ogga cidda labinta ay ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM